WararkaWaxbarashada

Daraasad Isku Dayday Iney Daahrogto Sababaha Qofka Ku Kallifi Kara Inuu Dambiyo Waaweyn Galo

 

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Jiirka tijaabada uu noqday mid dadka weerara kadib markii lagu duray Antibodies laga sooqaaday dhiigga dad ku lug lahaa dambiyo dil iyo kufsi ah, arrintan ayaa dib usoo celineysa dood hore oo ku aadaneyd sababaha dadku ay dilka u geystaan.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda “Akershus” ee dalka Norway, ayaa  antibodies ka qaaday 16 qof oo ku lug lahaa dambiyo khatar ah, waxaana lagu duray jiirka tijaabooyinka.

Markii tijaabada la gudo galay ayaa waxey arkeen in jiirku uu noqday mid sidii hore ka cadaawad badan oo aan loosoo dhawaan karin, si ka duwan wixii horey looga bartay, taas oo caddeyn u ah antibodies-kii lagu duray in uu saameyn ku yeeshay.

Jiirka ayaa lagu duray unugyada difaaca jirka ee hormoonka adrenal oo uu soo saaro qanjirka pituitary ee jirka bini’aadamka.

Hormoonkan ayaa saameeya heerka cortisol-ka, waana hormoonka ka mas’uulka ah heerka diiqadda iyo daalka ee jirka.

Cilmi-baarayaashu waxey caddeeyeen inaaney fahmin sida walaxdan lagu duray jiirka ay u dhalineyso isbedel la taaban karo oo hab dhaqanka jiirka ah, waxaa laga arkay dhaqdhaqaayo weerar ah oo ay ku soo qaadayaan cid kasta oo isku dayda iney u dhawaato goobta loogu talagalay.

Professor Serguei Fetissov, oo ah cilmi-baare daraasaddan hoggaaminayay ayaa sheegay, in natiijada ay gaareen ay suuraggal ka dhigeyso in antibodies-ka aadanaha uu daahrogo qofka inuu u janjeero inuu dambiyada galo iyo in kale.

Cilmi-baarayaasha ayaa sheegaya in ay daraasadda sii ballaarin doonaan si ay u gaaran natiijo ka ballaaran tan hadda la helay.

Si kastaba, daraasaddan ayaa waxey waxtar u leedahay dambi barista oo qofka antibodies-kiisa laga ogaan karo inuu dilaa yahay iyo in kale.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close