WararkaWaxbarashada

Kulan Is-baraarujin iyo Dardaaran ah oo Loo Qabtay Ilaalada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland

Wasaaradda Waxbarasahda iyo Sayniska Somaliland ayaa maalinimadii shalay qabatay kulan ay iskugu yeertay ilaalada imitaxaanka la filayo inuu bilowdo 30 bishan June ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.

Kulankan oo ahaa mid dardaaran iyo is-baraarujin ah ayaa waxaa ilaalada imtixaanka loo soo jeediyay farriimo kala duwan oo loogu tilmaamayay mas’uuliyadda saran iyo waajibaadka laga doonayo iney fuliyaan.

Daa’uud Axmed Faarax, madaxa imtixaanaanka Somaliland ayaa si weyn uga hadlay mas’uuliyadda qof kasta si gaar ah looga rabo inuu u guto isagoo ka dhowrsanaya xad gudub:

“Waxaan horta isleenahay inuu laabta u daadago, takalena waa inaan mid un ku xisaabtanno, sida uu Nabi Maxamed Xadiiskiisa ahayd[Qof kastaa waa mas’uul, ciddii la raaciyay ayuuna mas’uula ka yahay], xadiiskaas ayaa waxwalba inoosoo koobaya, qof kasta oo mas’uuliyad qaadaa isagaa waxaa uu qaaday Illaahay maalinta qiyaamaha weydiin doonaa, waa mas’uuliyad culus oo mustaqbal dad ah, inaguna yaynaan ku xad gudbin, inagana in la inagu xad gudbo ogolaan meynno, mas’uuliyadda la idin saaray sidii loo ilaalin lahaa, idinka ayey idin saaran tahay.”

Waxa uu u tilmaamay in mas’uuliyadda koowaad ee ardayga lagu ilaalinayaa ay tahay inuu magaciisa iyo Roll number-ka qoro:

“Waxaad ogaataan ardayga waxa ugu horreya ee uu qabanayaa waa inuu qoraa magaciisa, iskuulka iyo Roll number-ka, haddii uu taa mar ku qoro ma bedeli karo, laakiin haddii uu ku qori waayo, waxaad ogaataan ardaygaa warqadda ayuu bedelayaa. Mid kale ayaa dhacda; si ardayga xariifka ah ay iskugu khaldamaan, qaarbaan maaddooyinka sida; chemistry-ga, Xisaabta iyo Physics-ka magaca kuma qoraan ama waxey ku qoraan nin ay yaqannaan oo hadhow uu is leeyahay ha lagu wareero oo midka darajadan sare leh hala garan waayo, hadaba si aaney taasi u dhicin, maxaa ka dhib yar; Class-ka ninka ilaalinaya inaad farto inta aanuu shaqo kale qaban, inuu magaciisa iyo Roll number-kiisa qoro.”

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Yaasiin X. Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, ayaa macallimiinta ilaalada kula dardaarmay inaaney is dhigan oo aaney oran halkan waa deegaan yar oo ilaalo xooggan uma baahna, maadaama ay arrintaasi saameyn ku yeelaneysaa guud ahaan imtixaanka goob walba.

“Aniga runtii qof kasta oo howshaa ka qeybgalaya, waxaan u arkaa in mas’uuliyad weyni saran tahay, waxaanan ka filayaa qof kasta oo idinka mid ahi xilkaa saran ee weyn uu guto oo aan la yareysan, waxaa laga yaabaa in loo arko degmo yar in nin yar oo supervisor-ka ahi uu u arko iney meel yar tahay, laakiin qof kasta oo imtixaankaa galaya ahmiyad weyn bay ugu fadhiyaa imtixaanku. Deegaanka iyo dalka, dagmooyinka iyo gobollada mid walba ahmiyad weyn bay ugu fadhidaa wixii ka xumaadaana waxweyn bay geysanayaan, sida ii muuqata wax da’yari wey idinku yaryihiin, Illaahayna waa kugu ilaalinayaa, bulshaduna wey kugu ilaalineysaa, wasaaraduna wey kugu ilaalineysaa, inaad xilkaa si wanaagsan u qaaddaan oo qof walibaa if iyo aakhiraba aad dambigeeda iska ilaaliso iyo magac xumada kaa raaci karta.”, ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Si kastaba, June 30, 2018, ayaa loo ballansan yahay imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ee deegaannada kala duwan ee Somaliland, iyadoo sanadkan ay imtixaanka u fariisanayaan arday ku dhow 28-kun oo arday.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close