WararkaWaxbarashada

Imtixaankii “Shahaadiga” oo Maanta Ka Bilaabanaya Somaliland

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska  Somaliland ayaa Maanta Qaadeysa Imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeed 2017/2018.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘Faratoon’ oo shaly kormeer ku tagay goobaha imtixaanka lagu galayo qaarkood, gaar ahaan dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali ee ku yaala xaafadda Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, ayaa waxa uu sheegay in imtixaankii uu gaaray goobihii loogu talaggalay dhammaantood:

“Illaahay mahaddii hawlaha imtixaanku waxay u socdaan si habsami leh, dhammaan imtixaankii si nabad qab ah ayuu ku gaadhay gobollada iyo degmooyinka iyo halkii loogu talagalay wax dhib ahina weli lama soo sheegin, waxanan Illahay ka rajeynayaa in uu si nabad-qab ah inoogu soo dhammaado.”.

Waxan ardayda imtixaanka gelaysa u soo jeedinayaa in ay is-dejiyaan oo ay si kalsooni leh imtixaanka u galaan, illaahayna talo-saartaan. Waxan ardayda Illaahay uga rajeynayaa in uu ku guuleeyo oo ay noqdaan kuwo gaadha hadafkooda.

Sanadkan ayaa waxaa imtixaanka u fariisanaya 28-kun oo arday oo 18  ka mid ah ay yihiin ardayda ka qalinjabineysa dugsiga dhexe.

Maandeeq FM

Related Articles

Close