WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Si Rasmi ah u Daahfuray Imtixaankii Shahaadiga ee Sanad Dugsiyeedka 2017/2018

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, ayaa maanta imtixaankii shahaadiga ka furay magaalada Hargeysa, iyadoo gobollada kala duwanna uu si habsami leh uga bilowday.

Wasiirka oo booqday goob ka mid ah goobaha imtixaanka Hargeysa ayaa waxa uu ardayda u rajeeyay guul isagoo dhanka kale ka digay carqalad kasta oo la isku dayo oo imtixaanka dhibaato ku ah:

“Dhammaan waxaanu u rajeynaynaa ardayda galeysa imtixaanka guul, waxaan iyana rajeynaynaa waalidiinta, mas’uuliyiinta iyo inta imtixaanka ka qeybqaadaneysaaba iney arrintaa nagala shaqeeyaan oo nala hirgeliyaan, waalidiintu ay caruurtooda dhiirigeliyaan, waxaanu ka digeynaa waixii rabshado ah, musuqmaasuq ama ciddii isku dayda in imtixaankaa wixii wax u dhimaya ay ku kacdo ayaanu ka digeynaa waxaanan ardayda u rajeynaynaa guul. 7 maalmood ayaa imtixaanku soconayaa, maantuuna ka bilaabmayaa.”

Waxaa sanadkan ka qeyb ah imtixaanka ardayda farsamada gacanta oo sanadkan ku cusub imtixaanka shahaadiga ah.

Si kastaba, Tirada ardayda Imtixaanka shahaadiga ah u fariisaneysa dugsiga sare ayaa ah 9931 arday , halka 18256 arday ay dugsiga dhexe yihiin, tirada guud waa 28,187(Sideed iyo Labaatan Kun, boqol iyo sideetan iyo tadoba) arday, iyadoo goobaha uu imtixaanku ka dhacayaa ay gaarayaan illaa 214 goobood.

Maandeeq FM

Related Articles

Close