TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Warbixin: Shiinaha oo Noqonaya Suuqa Ugu Weyn Adduunka ee Shabakadaha “G5” Marka La Gaaro 2025

Waxaa la filayaa in Shiinuhu noqdo suuqa ugu weyn ee shabakadaha jiilka 5aad ee G5 Adduunka marka la gaaro 2025.

Sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen midowga isgaarsiinta caalamiga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno (GSMA) iyo golaha kulanka TD-LTE ee caalamiga ah, ayaa lagu sheegay in dadka mobile-ka gacanta wata ay hadda tijaabineyaan internet-ka jiilka 5aad ee G5, qorshahan oo qeyb ka ah tallaabo cilmi-baaris ah oo ku aaddan horumarka.

Website-ka “Engadget” ee dalka Mareykanka ka soo baxa oo wakaaladda wararka  Shiinaha soo xiganaya, ayaa sheegay in G5 la qorsheynayo in si buuxda loo hirgeliyo marka la gaaro 2020.

Mats Granryd oo ah madaxa GSMA, ayaa waxa uu yiri kaalinta hoggaaminyeed ee Shiinaha ee dhanka faafinta shabakadaha jiilka shanaad ee G5 oo ay taageerayso xukuumadda oo dooneysa iney kaalin mug leh ku yeelato horumarka dhanka teknolojiyada, waxaa waajib ah in la dhiirigeliyo dadka mobile-ka isticmaala ee gudaha Shiinaha, si ay u heleen xiriir aamin ah oo lagu kalsoonaan karo oo smarts ah oo ay leeyihiin shirkadaha iyo mu’asasaadka kala duwan ee daafaha dunida ka dhisan.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close