WararkaWaxbarashada

Waxa uu Qoray 18 Mujalladood oo Taariikhda Carbta Ah.. Waxa Uu Ku Wanaagsanaa 27 Luqadood.. Turkiga oo Sagootiyay Taariikh Yahankoodii Caanka ahaa

 

Waxaa geeriyooday taariikhyahankii caanka ahaa ee reer Turkey Prof. Fuat Sezgin oo maanta oo Sabti ah June 30, 2018 geeriyooday iyadoo da’diisu ay sii caga-cageynayso 94-jir.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ka tacsiyeeyay geerida caalimkan, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxa uu sheegay inuu ahaa caalim weyn uuna soo nooleeyay ilbaxnimadii Islaamka, cilmi-baarisyo iyo daraasado uu ka sameeyay Taariikhda Cilmiga Islaamka.

Kumuu Ahaa Prof. Fuat Sezgin?

Waxa uu ku dhashay gobolka “Beatles” koonfur bari ee dalka Turkiga October 24, 1924, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu aqoonta badan taariikhda Carbeed iyo tan Islaamka dunida oo dhan.

Sezgin, waxa uu macallin ka noqday jaamacadda Istanbul sanadkii 1954, PhD waxa uu ka qoray “Daraasaad uu ka sameeyay ilaha xigasho ee Imaam Bukhaari” sanadkii 1956.

Prof. Caanka ayaa Jarmalka dagay kadib markii xukuumaddii inqilaabka 1960 ay fogeysay isaga iyo 146 aqoonyahan oo Turkey ah, waxaa loo diiday iney wax ka dhigaan jaamacadaha gudaha, waxaanuu aqoontiisa ka sii watay jaamacadda Frankfurt.

Sanadkii 1965, Sezgin waxa uu PhD labaad ka diyaariyay caalimka chemistry Carbeed ee Jaabir binu Xayaan, sanad kadib ayaan la siiyay naaneysta ah Professor, markii uu naaneysaa helay muddo yar kadib ayuu guursaday.

Inta aanuu dhiman wax yar ka hor waxa uu gacanta ku hayay mujalladkii 18aad ee Taariikhda dhaxalka Carbeed, kaas oo majalladkiisii koowaad baxday sanadkii 1967, waxaana loo aqoonsan yahay iney tahay alifaaddii ugu ballaarneyd taariikhda aadanaha.

Caalimku  waxa uu ku fiicnaa ku hadalka 27 luqadood, waxaa ka mid ahaa, Syriac, Hebrew, Latin, Arabic iyo German oo si aad u wanaagsan.

Sanadkii 2010 waxa uu aasaasay “Waqaf” cilmi-baarista taariikhda culuumta Islaamka, kaas oo hadafka laga leeyahay uu ahaa in lagu xoojiyo mutxafka culuumta iyo teknoloojiyada Islaamiga ah ee gudaha dalka Istanbul.

Waxa uu helay abaalmarinno farabadan oo uu ka helay mu’asasaad kala duwan, sida; golaha Luqadda Carabiga ee Qaahira, golaha luqadda Carabiga ee Dimishiq, golaha luqadda Carabiga ee Baqdaad iyo akademiyada Sayniska ee Turkiga. Waxa uu ku guuleystay gaashan shareefka “Frankfurt am Main Goethe” iyo abaalmarin ugu sarreysa ee dhaqanka iyo fanka ee Turkiga.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close