WararkaWaxbarashada

7 Xaaladood ee Ku Cusub Cudurka Sonkorowga Xaalad Ka Mid ah Waxaa u Sabab Ah Hawo Wasakhowga(Cilmi-baaris)

Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay natiijadeedana lagu faafiyay Sabtidii ayaa lagu ogaaday in 7 xaaladood ee cusub ee dadka uu ku dhaco cudurka macaanka qof ka mid ah uu ka qaaday hawo wasakhowga.

Hawo wasakhowga ayaa waxa uu ka qeybqaatay 3,2 milyan oo qof ay qaadaan cudurka sonkorwga sanadkii 2016, taas oo ka dhigan in 14% xaaladaha cusub ee cudurka in laga qaaday hawo wasakhowga, waa sida ay sheegeen khubaradii daraasaddan diyaarisay oo ka tirsan Kulliyadda caafimaadka ee Wationtong ee magaalada St. Louis ee dalka Mareykanka.

Daraasado hore ayaa daaha-ka-rogay xiriirka ka dhaxeeya cudurka sonkorowga iyo hawo wasakhowga.

Cilmi-baarayaashan oo natiijada daraasadooda lagu faafiyay “The Lancet Planetarium Health“, ayaa  waxey yiraahdeen: “Waxaan aaminsan nahay in hawo wasakhowgu uu hoos u dhigo insulin-ta oo uu u keeno caabuq, taas oo jirka u diidaysa in glucose-ka dhiigga ku jira loo bedelo tamar uu jirku isticmaalo.”

Wadamada hawo wasakhowgu ku badan yahay ee muwaadiniintoodu aaney helin fayo dhowrkii caafimaad ah ee lagaga hortagayay hawa wasakhowga ayaa waxaa la arkay in dadkooda uu ku soo badanayo cudurka sonkorowga sida wadama ay ka midka yihiin; India, Papua New Guinea, Afghanistan iyo Guyana.

Sidaas oo kale, xaaladdana waxaa la wadaaga wadama horumaray qaarkood sida; Finland, Faransiiska iyo Iceland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close