WararkaWaxbarashada

Faahfaahinta & Sirta Laptop-ka “Ugu Awoodda Badan” Adduunka

Warbixinno saxaafadeed oo caalami ah oo tiro badan ayaa ka hadlaya faafaahinta iyo sirta “laptop-ka  ugu awoodda badan uguna khatarsan adduunka”, kaas oo ay soo saartay shirkadda “Microsoft” ee Mareykanka laga leeyahay.

Website-ka “Theverge” ee ku takhasusay teknolojiyada ayaa waxa uu tilmaamayaa in la helay xogta computer-ka ugu awoodda badan adduunka oo ay dooneyso iney soo saarto shirkadda Mcirosof xilliyada soo aaddan.

Computer-kan ayaa khatar ku ah dhammaan shirkadaha kale ee tartanka kula jiragaar ahaan computer-kan cusub ee Surface Book oo noqonayo mid laba geesood ah oo kulansaday shaqooyinka computer iyo midda mobile-ka, waana mashruuc kacdoon ah oo lagu magacaabo “Andromeda”.

Microsoft ayaa xilliyadii dambe waxey tartan xooggan ugu jirtay shirkadda Apple, gaar ahaan marka meel kaliya ay wada noqonayaan (laptop, computer, mobile) hal qalab iskugu imaanaya.

Xogaha la helayo ayaa waxey sheegayaan in laptop-ka cusub ee isla mashruucan ka qeybta ah shaashaddiisu ay tahay mid la laalaabi karo, hadana si dhammeystiran loo furi karo, waxaa lagu xoojiyay qalab muhiim ah oo 3D ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close