WararkaWaxbarashada

Somaliland: Baraha-bulshada oo La Xanibay Saacadah uu Imtixaanka Shahaadiga ah Socdo

Shir jaraa’id oo shalay ay si wada jir ah u qabteen Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Istaarsiinta iyo Teknolooliyadda iyo madaxa imtixaanaadka Somaliland ayaa lagu faafiyay go’aan ay si wada jir ah u gaareen oo ku aaddan in la xanibay Baraha-bulshada saacadaha uu imtixaanku socdo.

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay xayiraadda Baraha-bulshada ee xilliga imtixaanka, waxa uu ku tilmaamay iney maalin ciideed u tahay:

” Marka hore waxaan aad ugu mahacelineysa wasiirka teknoloojiyada iyo Isgaadhsiinta Somaliland, waa markii koowaad 23-sano oo aan imtixaan qaadeynnay ay noo hirgasho anagoo horeyna ula soo xiriirnay wasiirradii isaga ka horreeyay, laakiin waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa wasiirku ku guuleystay, annaga ka wasaarad waxbarasho ahaan, maanta waxey noo tahay ciid, qarankana guul iyo farxad bay u tahay, wasiirka cadaaladda sugiddeeda qeybtii ugu weynayd ayuu nala hirgeliayay.”

Daa’uud waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Warwarka na hayayna waxa uu ahaa ardayga aan abaalgudka siineyno ama scholarship siineynaa inuu yahay arday wax uu yaqanno ku helaya. Laakiin haddii uu yahay arday aan buugba kala furin laakiin teknoloojiyad ahaan ku helaya, dee dalka iyo dadkuba khasaare ayay ku jiraan.”

Wasiirka teknoloojiyadda iyo isgaarsiinta Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil oo madashaa ka hadlay ayaa sheegay iney garab istaagayaan cadaaladda, Baraha-bulshadana la xayiray inta uu imtixaanku socdo:

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyaddu waxey isla gaadheen mudada uu imtixaanku socdo in baraha bulshadu ay hawada ka maqnaadaan, iyadoona looga jeedo in cadaaladda imtixaanku ay noqoto mid loo siman yahay. Waxa xidhani waa Baraha-bushada sida; Facebook-ga, Twitter-ka, WhatsApp-ka, Istagram-ka Ima, telegram, qeybihii kale ee internet-ka waxey u shaqeynayaan sidoodii. mudada ay xidhnaanayaan waa saacadaha imtixaanka uu socdo”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, ayaa u mahadceliyay wasiirka teknoloojiyadda iyo shirkadaha isgaarsiinta oo arrinta la qaatay:

“Shalayto imtixaannaa la galay ay diinta iyo ay ka mid ahaayeen afka Ingiriisiga, maanta ayaa imtixaannadii kale bilaabmeen, hadba waxaan rabnaa dadka inaan u sheegno, in aan arrin weyn oo imtixaan xalaalnimadiisa wax ka tareysa iney soo korodhay, wasiirka isgaarsiinta iyo teknoloojiyada iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka oo saddex shirkadood ah ayaa si wanaagsan noola shaqeeyay, waxey nala garteen in loo baahan yahay in la xidho waxaan social media ha la yiraahdo si loo yareeyo qishka imtixaannada laga sameyn karo.

Si kastaba, waa markii ugu horreeysay oo deegaannada Somaliland laga xanibo Baraha-bulshada oo loo xariyay sababo la xiriira imtixaanka si loo yareeyo qishka ardayda, cadaaladdana loo xoojiyo.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close