WararkaWaxbarashada

Waxbarashada Degmada Waajid oo Laga Dayrinayo

Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa laga soo sheegayaa in dhinaca waxbarasho dayac farabadani uu ka jiro.

Degmadan ayaa waxaa ku yaalla hal Iskuul oo lagu magacaabo Waajid Iskuul waxaa dhigta arday gaareysa tiro ahaan 335 arday oo 115 ka mid ah ay yihiin gabdho, halka wiilashuna ay yihiin 220.

Iskuulkan waxa uu ku egyahay Fasalka Sideedaad, iyadoo aaney degmadu lahayn dusiga sare oo ardaydu wax ku bartaan.

Nuur Cali Yarow oo ah maamulaha iskuulka Waajid oo la hadlay Goobjoog oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM, ayaa ka warbixiyay xaaladda waxbarasho ee degmada ka jirta, waxaanuu hadalkiisa ku bilaabay:

“Iskuulkan waxaa la hirgaliyey dhowaan waxaan ku shaqeynaa daruufo aad u adag, waana iskuulka kaliya ee degmada Waajid ay leedahay macallimiinta ma qaataan mushaar fiican, ardayda Iskuulka waxaa ay u badan yihiin kuwo ka soo jeeda qoysas danyar ah”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; “2009 ayaa iskuulka la furay, qalabkii waagaa la dhigay ayaan illaa hadda ku shaqeynaa, dadku waxey u badan yihiin dad sabool ah, waalidiintu waxba ma dabari karaan, macallimiinta waxba ma siin karaan.”

Maamule Yarow waxa uu baaq u diray dowladda federaalka ah oo uu xasuusiyay in kaalinteedii waxbarashada degmada ay ka maqan tahay:

“Waxaan u baahan nahay muqararka iskuulka lagu dhigo, sidaas oo kale waxaan codsaneynaa, waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka in macallimiinta ay noo dhiirigeliso, kaalinteedii waxbarashada ee degamada wey ka maqan tahay, waxaan dooneynaa in baahideenna nalooga jawaabo, iskuulkan 335 ardya ayaa dhigata, wiilasha 115, gabadhahana waa 220.”

“Sida uu maamuluhu idiin sheegay iskuulka Waajid aad ayuu u dayacan yahay, cid gacanta ku haysa ma leh, waxa uu u baahan yahay in dadaal la galiyo, waxbarasho la’aan ayaan la ahaan Karin maxaa yeelay ‘Cilmigu waa nuur, jahliguna waa mugdi'”, ayuu yiri macallin ka mid ah macallimiinta iskuulka.

Si kastaba, Degmada Waajid ayaa go’doonsan muddo ku dhow 5 sano, dadka ku nool halkaasi ma heystaan adeegyada bulshada ee aasaasiga ah, gaar ahaan waxbarashadu ayaa si xoog leh degmada uga dayacan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close