WararkaWaxbarashada

“Dhacdo Farxad leh” oo Xiddigaha Ka Dhacday Markii Ugu Horreysayna Culumada-Saynisku Ay Sawirro Ka Heleen

Khubarada Stronomy-ga ayaa waxaa u suuragashay iney markii ugu horreysay sawiraan dhalashada meere cusub, waa sida ay qortay jariidada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingiriiska.

Sawirradan ay khubaradu heleen oo uu qaadaan telescope koonfureed ee Yurub, ayaa la tilmaamayaa iney ka qeybqaadan doonaan garashada habka ay meerayaashu u sameysmaan oo uu ka bixinayo faahfaahin ka ballaaran tii hore looga yaqaannay.

Sawirka  ay jariidadu faafisay ayaa waxaa ka muuqanaya bar ifaysa oo midigteedana ay ku taallo bar kale oo madow.

Khubaradu waxey sheegayaan in sawirka uu muujinayo meere cusub oo dhashay, waxeyna ugu magac dareen “PDS 70b“, waa meere dhawaan dhalad ah oo aad u weyn oo aad uga culeys badan meeraha Jupiter, meerahan ayaa kuleylkiisu uu gaarayaa 10000C.

Jariidada The Sun waxey leedahay, kuleylka saqafka sare ee meeraha waa kan ugu sarreeya, marka loo barbardhigo meerayaasha kale ee nidaamka qorraxda aan ku noolnahay.

Khubaradani illaa hadda uma aaney suuraggalin iney faahfaahin badan ka keenaan meeraha cusub, boorka faraha badan ee ku geedaaman darteed, taas oo aragtida ka qarineysa cid kasta oo isku dayda iney wax badan ka ogaato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close