JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Qisada Dhakhtar Aadanaha Ka Badbaadiyay Cudur Halis Ah oo Malaayiin Qof Salfaday.. & Ilma Yar

Laga soo bilaabo Kumanaan sanno ka hor ayaa cudurka furuqa waxa uu dhibaato xoog leh u hayay aadanaha, isagoo dilay tabanaan milyan oo qof oo sababtiisa ku  ay ku naf weyday.

Cudurkan ayaa waxaa la arkay markiisii ugu horreysay,sida ay taariikhyahannadu sheeagyaan, 10-kun oo sano ka hor, xilligaas oo uu ka dillaacay waqooyi bari Afrika, inta aanuu u sii gudbin dhanka India.

Qarnigii 17aad, cudurkani waxa uu noqday sababta koowaad ee daafaha kala duwan ee dunida loo dhinto. Yurub kaligeed waxa uu ka dilay 400-kun oo qof.

Xilligaas dadkii geeriyooday waxaa ka mid ahaa 5 hoggaamiye oo reer Yurub ah oo ka mid ahaa madaxdii loogu jeclaa. Sanadkii 1724 waxaa dhintay boqorkii Spain Louis ll kadib markii uu cudurku ku dhacay, waxaa ku xigay Qaysarkii Ruushka Peter ll sanadkii 1730, waxaa ku xigay amiirkii Monaco Louise Hippolyte, sanadkii 1774 waxaa isna dhintay boqorkii faransiiska ee Louis XV kadib markii uu cudurka furuqa uu sababsaday.

Chinese-ka iyo Furuqeynta

Xilliyadii hore Chinese-ka waddo cajiib ah ayey saameynta cudurka ku xakameeyeen,  si ay u yareeyaan waxyeeladiisa, waxey sameeyeen wax loo yaqaanno furuqeyn. Dareeraha qof uu cudurku hayo ayaa laga soo qaadayaa oo ay ka buuxaan fayruuska cudurka, waxayna qeybyar oo dareerahaa ka mid ah ku durayaan nabarrada dadka dhaawacan, cudurkii oo jirkiisa  ku jira fayruus yar isagoo ah ayaa marka uu ku dhaco waxa uu isku bedelayaa difaac adag oo jirku  yeelanayo iyo cudurka oo aan weligii dib dambe ugu dhacayn.

Shaqada furuqeynta waxey ku faaftay qeybo ka mid ah Asia iyo Yurub idoo aan natiijo wax ku ool ah laga gaarin. Inta badan dhakhaatiirtu waxey ku dhibaatoonayeen iney qiyaasaan dareeraha qofka lagu sii tallaalayo, qaar badan oo aan cudurku hayn ayaana sidaa ku qaaday.

Dhankhatarkii Ingiriiska iyo furuqa lo’da

Cudurka mudada dheer dhibay aadanaha waxaa dhammaadkii qarnigii 18aad soo afjaray dhakhatar Ingiriis ah oo la yiraahdo “Edward Jenner“, waxa uu soo hindisay tallaalkii ugu horreeyay ee cudurka lagula dagaallamo.

Intii uu daraasadda waday ayuu ogaaday in dumarka uurka leh uu ku dhacoy furuqa lo’da, kaas oo si degdeg ah ay uga caafimaadaan, jirka oo awood u leh inuu iska difaaco awgeed.

Si ka duwan furuqa caadiga ah, furuqa lo’da qofku waxa uu dareemayaa daal farabadan, calaamado kooban oo dhanka jirka ahna wuu isku arkayaa kadib si degdeg ah ayey ku baaba’ayaan calaamadahaasi.

Tijaabo Geesinimo Leh Ayuu Ku Sameeyay Ilmo 8 Jir ah

Maalintii 14aad ee  May 1796, ayaa Edward Jenner uu go’aansaday inuu tijaabo ku dhac leh ku sameeyo ilmo yar oo 8-jir ah. Intii uu tijaabada ku gudo jiray, haweenay furuqa lo’du uu hayo ayuu ka soo qaaday jirkeeda dheecaan yar waxaanuu ku tallaalay “James Phipps” oo 8 jir ahaa, waxa uu ka tallaalay labadiisa gacmood.

Heerkulka ilmahan yar ayaa kor u kacay, waxaa ka soo muuqday calaamado casaan ah meeshii laga muday, laakiin isla markiiba wey baaba’een.

Bilowgii 1796, ayaa mar kale ilmihii yaraa ee 8 jir ahaa waxaa lagu tallaalay dheecaan uu fayruuska furuqu ku badan yahay, si natiijada cilmi-baarista uu u hubiyo dhakhtarku inuu ku guuleystay iyo in kale.

Xilliyadii xigtay canugii yaraa wax calaamado ah laguma arkin oo cudurka muujinaya, James waxa uu adkeysi u yeesha cudurka.

Tijaabadaa ku dhaca leh, ayaa keentay inuu helo tallaalkii ka hortagga ee cudurka furuqa, sidaa ayuuna ku badbaadiyay malaayiin qof, natiijada tijaabadiisa ayaa Yurub oo dhan ku faaftay oo dadku si aad ah uga faa’iideen.

Labadii Qarni ee 19aad iyo 20aad cilmi-baarayaal badan ayaa wadadii Dhakhtar Edward raacday si ay u helaan tallaal ay kula dagaallamaan cudurrada halista ah, waa wadadii lagu hellaalay tallaaka manta ubadka la siiyo ee Jadeecada, dabaysha iyo cudurro la halmaala ah looga hortago.

Cilmi-baarayaal kale ayaa sameeyay tijaabooyin ay ku soo saareen talaallo kale oo waxtar badan. Sanadkii 1970 ayaa ururka caafimaadka adduunka uu ku dhawaaqay in aadanuhu u si kama dambeys ah uga adkaaday cudurka furuqa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close