WacyigelinWararkaWaxbarashada

Mabaadii’da Guud ee Fulinta Istiraatiijiyadda Shirkadaha… Sababaha Keena In Fulinteeda Lagu Fashilmo

Professor Michael Jarrett oo ka tirsan Jaamacadda INSEAD University, ayaa maqaalkan ku soo daabacay wargeyska “Harvard Business Review”, waxa uu uga hadlayaa habka ugu wanaagsan ee istiraatiijida shirkadda loo fuliyo iyo waxyaabaha fashilka u keena.

Maqaalkiisa waxa uu ku bilaabay:

Marka aad aragto 70% istiraatiijiyada shirkadaha aan si wanaagsan loo fulineyn inta badan, waxaa caqligu ina siinayaa inaan is-weydiinno tallaabooyinka aan dejinnay faa’iidadeedu maxey tahay?

Haddii aan fulinteeda si joogta ah ugu fashilmeynno maxaan muhiimad u siinneynaa oo maan iska daynno.

Macallin ahaan waxaan dhigaa Organizational Behavior, waxaan si aad ah u eegay waddooyinka ay shirkadaduhu ku guuleystaan iyo kuwa kale ee ay ku fashilmaan, shirkaduhu inta badan wey ku fashilmaan marka ay fulinayaan istiraatiijiyad ay dejisteen, warka farxadda leh ayaa ah iney jiraan tallaabooyin aasaasi ah oo la raaco, si aaney istiraatiijiyadu u fashilmin.

Furaha koowaad ee guusha waa inaad is-weydiiso su’aalo aasaasi ah oo shirkadaha intooda badani aaney is-weyddiin:

1-Istiraatiijiyadii Saxda ahayd ma haysannaa?

Si hadaba aan su’aashan uga jawaabno waa inaad u qaybinno dhowr mabda’ oo waaqici ah.

Mabaadi’da istiraatiijiyadeed:

-Istiraatiijiyadu hadaf cad ma leedahay

-Suuqa aad beegsaneyso iyo wax-soo-saarka aad la imaaneyso ma la yaqaannaa. Ma jiraa isla jaanqaad gudaha ah oo hadafka shirkadda iyo istiraatiijiyada u degsan ah.

-Ma jiraa nidaam isku xir ah oo hadafka shirkadda la jaanqaadaya.

Haddii jawaabtaadu tahay maya, waxaad u baahan tahay inaad dib ugu laabato tallaabooyinka istiraatiijiyadda, iyadaa ah aasaaska wax lagu dhiso, sidaa darted; waa inaad si wanaagsan u sameyso. Waa in istiraatiijiyadaadu noqotaa mid ku dhisan cadaalad islamarkaana furfuran.

2- Sideed ku dabaqeysaa istiraatiijiyad cadaalad ku dhisan isla markaana furfuran

Istiraatiijiyada kasta oo aad sameynaysaa waa in wadadaa ay ku dhisnaato oo cadaalad iyo furfurnaa laga helo, haddii kale waxaa kugu dhacaysa dhibaatadii qabsatay shirkadda duulimaadka ee Air France, maamulka shaqaalaha ugu sarreeya ayaa waxa uu go’aansaday inuu shaqada ka fariisiyo 2000 oo shaqaale ah oo shirkadda ka howlgala, si shirkadda oo xilligaa dhaqaale yari waajahaysa loo badbaadiyo,

Iskaashatada shaqaalaha ayaa shaqo joojin ku dhawaaqay, waxaana ku xigtay in shaqaalihii ay shaqo joojin guud sameeyaan, laakiin markii ay shirkaddu dirtay shaqaale caadi ah oo heer dhexe ah si uu u soo ogaado tallaabooyinka ay tahay in la qaado lama filaanku waxa uu noqday iney shaqaalahu ay shaqada ka eryeen 3000 oo qof oo kuwii ugu mushaarka badnaa ah, waxeyna sameeyeen howlgudasho wanaagsan si wax-soo-saarka loo kordhiyo, isbedelladaa waxaa looga codeeyay iskaashata, marka mushkiladda la xadido, si cadaalad lehna wax loo eego, waxey u badan tahay in shaqaaluhu ay xaaladda aqbalaan oo ay qorshahana dhinacooda ka qaataan.

Marka istiraatiijiyadu ay noqoto mid sax ah shaqaaluhuna ay la jaanqaadaan, waxaa lagaar rabaa intaa qaaddo tallaabada saddexaad.

3- Waa Inaad adeegsato xirfadahaaga maamul si aad u maareyso mashaariicda si istiraatiijiyada loo dhaqangeliyo

Maamulayaasha shirkadaada ha ku sii dayn iney dejiyaan tallaabooyinkooda u gaar ah  oo ay fulinta istiraatiijiyada u marayaan.

Si aad istiraatiijiyada u fuliso:

-Aasaas koox mashaariicda u xilsaaran.

-Usamee Hadaf Weyn oo ay xaqiijiyaan

-Xadee tilmaamaha howlgudashada lagula soconayo

-Horumarka la sameynayo la soco.

-Warbixin soo saar oo la wadaageyso saamileyda shirkadda

-Shaqaalaha mas’uuliyadda u qeybi.

4- Fulinta istiraatiijiyada ula dhaqan si dhab ah

Haddii fulinta istiraatiijiyda aad ula dhaqmi weydo si dhab ah, shirkadda gudaheeda si dhab ah loogama arkayo, isbedel kasta oo la doonayo iyo waxqabadka lagama maarmaanka ah, inta badan dadku isbedelka wey ka hor yimaaddaan, laakiin marka fikradaha si wanaagsan loogu dhagganaado, waxaad helaysaa fursad badan oo istraatiijida ka dhigeysa mid taabogal ah.

 FG: Maqaalkan waxaa iska leh  Professor Michael Jarrett oo ka tirsan Jaamacadda INSEAD University, waxa uu ku daabacay Harvard Business Review, Maandeeq FM Waxey iska leedahay tarjumaadda, lama qaadan karo xigasho la’aan.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close