WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbrasahda XFS oo Xaflad Sagootin ah U Qabatay Arday Deeq Waxbarasho Ka Heshay Dalka India

Lix arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka India ayaa Wasaaradda Waxbarashada waxey u sameysay xaflad sagootin ah gudaha magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka hadlay habkii ay dhalinyaradani ku heleen deeqda waxbarasho ee dalka India: “Dhalinyarada halkan ayaa imtixaan looga qaaday, natiijadii ka soo baxday labadii imtixaan iyo buundadii ay keensadeen in ardayda lagu ogolaaday, waa 16 arday, hadda waxaa loosoo jawaabay ilaa 6 arday oo loosoo diray ogolaanshiyihii, badan kooda visa-hii la soo siiyay, labo arday oo ka mid ah berri ayey baxeysaa(maanta), inta kalena tigidkii umbay sugayaan, 10 dhimanna, waxaa la sugayaa marka ay jaamacadahoodu ay soo jawaabaan, waxaan rajeynaynaa 16-da iney sanadkan wada baxaa.”, ayuu yiri Xasan agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada.

Dhinaca kale Asad Barre oo sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaankii hore ee shahaadiga ahaa ayaa yiri: “Magaceygu waa Asad Barre Raage, waxaan ka mid ah ardayda waxbarasho ugu socota dalka India, waxbarashada India waxaa ii direysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare, waxaan ka mid ahaa ardaydii imtixaankii kaalmaha ugu sarreya ka mid ahayd, waxaanan ka mid ahaa ardaydii ay wasaaraddu u sharraxday iney ka faa’idaystaan waxbarashada India, Illaahay wuu noo fududeeyay.”

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Cabdiraxaam Daahir Cusmaan oo ka hadlay goobta ardayda lagu sagootinayay ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddiisu ay ilaalisay cadaaladda qeybinta deeqaha waxbarasho, ardaydan dalka India u baxeysana aanuu midna ka aqoon:  

“Siyaasadda wasaaraddayda u taallaa waa inaanuu dalku kala harin oo uu isla socdo oo ardayda Soomaalidana fursad la wada siiyo, meel kasta oo ay joogaan iyadoo aan loo eegayn meesha uu ka yimid, gobolka uu ka yimid, loo eegaayo oo kaliya in qofkani uu yahay qof Soomaali ah soo buuxiyay shuruurihii looga baahnaa fursadana uu sidaas ku helay, dhammaantood markaan maanta wareystay anigu qofna kama aqaanno dadka wasaaradda oo howlahan ka shaqeynaayay cidna kama yaqaanaan oo iskood u soo baxay oo iyaga isasoo saaray.”

Si kastaba, cadaaladda ay Wasaaradda Waxbarashadu u marto qeybinta deeqaha waxbarasho ayaan dadka dhaliilaa waxey tilmaamayaan inaan wadadii saxda ahayd  loo marin, maadaama aan si rasmi ah loo ogeyn ardayda deeqdaha aadaysa iney yihiin kuwii mudnaa iyo in kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close