WararkaWaxbarashada

Xasuusta “Marie Curie” oo Ahayd Saynisyahan ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize.. Waxey Daahrogtay Shucaaca Kansarka Lagu Daaweeyo

Waxey dhalatay: 7 November 1867, Warsaw, Russian Empire (Poland)

Waxey geeriyootay: 4 July 1934, Sallanches, France.

Abaalmarinta Nobel Prize ayey ku guuleysatay, waxey ku heshay “Shaqadeedii wanaagsaneyd iyo kaalintii ay ka qaadatay cilmi-baarista radiation phenomena-ga shucaaca, oo uu daahrogay professor Henri Becquerel“.

Takhasuskeeda: nuclear physics

Waxey ka mid ahayd 4 qof oo abaalmarinta wadaagtay 1/4.

Nolosheeda

Marie Sklodowska waxey ku dhalatay caasimadda Warsaw, Poland hadda loo yaqaanno, waxey ka dhalatay qoys macallimiin ah oo cilmiga aad u aaminsanaa. Magaalada Paris ayey u guurtay si ay halkaa uga sii wadato waxbarashadeeda, halkaas ayeyena ku kulmeen Pierre Curie oo ay is guursadeen, waxey ahaayeen lamaane saaxiibbo ku ah shaqada. Sanadkii 1903 ayey lamaanahani qeybsadeen abaalmarinta Nobel Preze Physics-ka oo ay si wadajir ah ugu guuleysteen, sanadkii 1906 waxey noqotay garoob oo odaygeedii ayaa ka geeriyooday, laakiin shaqadii ay odaygeeda wada bilaabeen ayey halkeeda ka sii wadday, waxeyna noqotay qofkii ugu horreeyay ee abaalmarinta Nobel Prize haysta intii lagu gudajiray dagaalkii 1-aad ee Adduunyada. Waxey diyaarisay koox wareegta oo  raajada X-ray ka shaqeysa.

Shaqadeeda

Sanadkii 1896 ayaa la daahrogay shucaaca oo uu daahrogay professor Henri Becquerel, Maria iyo Pierre iyagoo raacaya daahroggaas waxey sameeyeen cilmi-baarisyo tiro badan, macdan badan ayey baareen si ay u ogaadaan iney shucaac leeyihiin iyo in kale. Waxey heleen in “pitchblende” uu yahay macdanta ka shucaac badan Uranium-ka, waxeyna halkaa ka ogaadeen iney jiraan maaddooyin kale oo shucaac leh. Inta ay daraasaddooda ku gudajireen waxey heleen laba curiye oo cusub, waxey kala yihiin; polonium iyo radium, labadaasi mid kasta oo ka mid ah wuu ka shucaac badan yahay uranium.

Markii ay daahrogeen labada curiye ee Polonium iyo radium oo labaduba ahaa radioactive elements curiyeyaal dhargan ah, ayaa Maria waxey sii wadday cilmi-baaristeeda, sanadkii 1910, waxey ku guuleysatay iney soo saarto radium ah macdan saafi ah, taas oo sugtay in curiyaha cusub ee la helay shaki la’aan uu mid cusub yahay. Waxey sharraxda waxyaabaha u gaarka ah radioactive elements-ka ee lagu garto. waxey noqdeen lakabyo muhiim ah oo loo isticmaalo cilmibaarista caafimaadka, waxaa hadda shucaacaa curiyayaasha dhargan lagu daaweeyaa cudurka karsarka.

Maria maanta oo kale ayey geeriyootay 4 July 1934, Sallanches, France

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close