TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

3 Arday oo Hindi ah oo Soo Saaray Kursi Iskii Isku Kaxeynaya

3 arday oo India u dhashay ayaa waxey horumarin ku sameeyay kursi is-kaxeynaya, waxey ugu magac dareen Self-E, kaas oo qofka isticmaala si nabad ah u gaarsiinaya halka uu rabo si aad u sahlan, isagoo wax kasta oo ku soo hor gudboonaada ka leexanaya.

Sida uu sheegayo website-ka “Gadgetsnow” ee dalka Mareykanka laga leeyahay, kursigan ayaa loo isticmaalaa nidaamka robot-ka ee (ROS) , nimaadkan ayaa khariidada u sameynaya xayndaabka ku xeeran, isagoo si gaar ah iskaga eegaya caqabadaha ku soo gudboonaan kara si uu uga leexdo, waxa uu isticmaalayaa lesser oo App mobile ku shaqeynaya.

Qofka isticmaalaya waxaa u suuraggal ah inuu taabto dhibic kasta oo khariidada ka tirsan, meeshaa uu qofku taabtay ayuuna geynayaa iyadoo qofka saaran aan looga baahneyn howl kale, kadib iskii ayuu u dhaqaaqayaa isagoo meeshii uu rabay geynaya!.

Dr Rajesh Kannan Megalingam oo ah Asst. Professor Electronics & Communications oo ka tirsan Jaamcadda Amrita Vishwa ee dalka India, ayaa waxa uu yiri: “Kursigan iskii u soconaya ee wata Self-E waa mid kuraasta kale ka duwan, waa kursigii ugu horreyay ee noociisa oo kale ee India lagu sameeyo, waxaa sameeyay shaybaarka cilmi-baarista Jaamacadda oo kaashanaya Jaamacado iyo shirkado ajinabi ah, waxa uu hadda u baahan yahay in xogo kale lagu tijaabiyo sida; isbitaallada, airports-ka, isagoo ay saran yihiih bukaanka iyo dadka isticmaala ee curyaamiinta ah, waa qalabkii koowaad ee guuleysta, haddii aan garab helno waxaa ku rajo weynahay in wax-soo-saarkeenna aan iibgeynno.”

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close