WararkaWaxbarashada

Agaasimaha Cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Xilkii La Wareegay

Agaasimaha cusub ee waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  ee Puntland oo xilkii kala Wareegay agaasime Waaxeedkii hore Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Taclinta sare.

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Waxbarashada  Puntlan Mahad Colaad Maxamed ayaa shalay si rasmi ah xilkiisii ugala wareegay agaasimihi hore Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Faarax Mixile Jaamac oo noqday Agaasimha Waaxeedkaa Maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda deegaanka.

Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr Maxamed Cali Faarax, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Yaasiin Cabdi Seed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare Maxamed Cali Faarax (Farmaryeeri) iyo dhaamaan Shaqalaha Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’addaha Tageera Waxbarashada.

Ugu horayn Waxaa afka shaqalaha ku hadlay Agaasimaha Waaxda Tayeynta iyo Manahijta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare C/qaadir Yuusuf Nuux.

Waxuu ka hadalay warbixinno miisaan leh Shaqaalaha Wasaaradda ka war bixiyey isagoo ka codsaday sidii ay ula shaqeeyeen iyo si ka fiican iney u gacan siiyaan agaasimaha cusub ee ay Wasaaraddu yeelatay, waxaa kale oo uu ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya waxbarshada iney soo dhoweeyaan lana shaqeeyaan nidaamka cusub..

Agaasimihii hore Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda waxbarashada Faarax Mixile Jaamac ayaa sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada xafiiska Waaxda Maamulka , wuxuuna intaas ku daray inuu waayo-aragnimo badan ka qaatay intii uu la shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.

Agaasimaha Waaxeedka Cusub Maamulka iyo Maaliyada ee wasaaradda waxbarashada Mahad Colaad Maxamed ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqadaan cusub, isagoo u mahadceliyay shaqada uu qabtay agaasimihii hore, wuxuuna balanqaaday inuu si wanaagsan howshiisa ugasoo bixidoono haddii lagu garab galo howshiisa.

Mahad Colaad Maxamed wuxuu sheegay inuu si qadarin iyo xushmad leh ula shaqeyndoona qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeeya Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Yaasiin Cabdi Seed ayaa aad ugu Mahad celiyay hawlihii uu uqabtay mudadii uu xilka hayey Agaasime Waaxeedkii hore ee Maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ayaa lahaaa Aqoon iyo khibrad waxbarasho ku ammaanay ina ahaa shaqasi adag oo waxqabad leh, oo jecel horumarka iyo Waxqabadka Dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa xaflada xil wareejinta ka jeediyay hadalo isugu jira mahad celin agaasimihii hore iyo soo dhowaynta agaasimaha cusub, waxayna ugu dambayn shahaado sharaf gudoonsiiyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada oo lagu ammaanay shaqo wanaagiisii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close