arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabadhii U Doonaneyd Ayuu Xaday Si Uu Gaari Ugu Iibiyo!

 

Muwaadin khaliijka ka soo jeeda ayaa lagu soo eedeeyay inuu xaday 130-kun oo dirham(35-kun oo dollar), dahab iyo saacado qaali ah gurigii ay ku nooleyd gabar u doonaneyd oo la siiyay.

Sida ay qortay jariidada “emaratalyoum‘ Xeer ilaalinta Ras Al Khaimah ee dalka Emaratka ayaa ku soo eedaysay muwaadinkan inuu ka xaday guriga haweenaydii u doonaneyd lacag iyo dahab si uu gaari ugu soo iibiyo!.

Maxkamadda Ras Al Khaimah ee dalka Emaratka ayaa xukun ku ridday eedeysanaha, xabsi Labo sanno ah iyo in Emaratka laga mustaafuriyo, iyadoo arrintani ay dhacday bishii May ee la soo dhaafay.

Qareenka u doodaday eedaysanaha ayaa sheegay inuu yahay qof nafsiyan buka, arrintaas oo ku qaadday inuu xatooyada sameeyo “Waxaan carrabka ku adkeynayaa inuu cadaadis badan la kulmay naftiisuna ay aad u diiqadootay, arrintaas oo keentay inuu garaadka waayo, waxa uu qabaa cudur nafsi ah.”, ayuu yiri qareenkii u doodayay.

https://twitter.com/raianews/status/1014620543989866496

Maandeeq FM

Related Articles

Close