WararkaWaxbarashada

Kawaanleyda Faransiiska oo Xukumadooda Ka Codsaday In Ay Ka Difaacdo Gaboodfallada Khudaarleyda

Midowga kawaanleyda Faransiiska ayaa ugu baaqay xukuumadda Paris iney ka difaacdo “Rabshadaha iyo argagixsada” ay ku hayaan dhaqdhaqaaqa dhirleyda ee aan hilibka cunin.

Janalka France 24 ee dowladda ayaa sheegay Khamiista, in midowga kawaanleyda uu dalab rasmi ah u gudbiyay wasaaradda arrimaha gudaha, Talaaladii, si loo xakameeyo dhibaatooyinka dhaqdhaqaaqa dhirleyda oo inta badan marka ay dhibaatooyin geystaan ka baxsaday cadaaladda.

Xubno ka wakiil ah midowga ayaa waxey la kulmeen mas’uuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha, isbuuc kadib markii guddoomiyaha midowga kawaanleyda Jean-Francois Guihard uu warqad u diray xukuumadda; si xubanaha ururka looga ilaaliyo xadgudubka dhirleyda aan hilibka cunin.

Warqadda xukuumadda la gaarsiiyay ayaa waxaa qoraalkeeda ka mid ahaa: “Dhirleyda waxey doonayaan iney dadka intooda badan ay ku khasbaan dhaqankooda nolosha oo ay sandulle uga dhigaan.”

Janalkan ayaa waxa uu tilmaamay in la burburiyay kawaanno badan gobolka (Ile-de-France)April tii la soo dhaafay, waxeyna ka mid ahayd weerarro ay dhirleydu soo qaadeen oo ay kaga soo horjeedaan dadka hilibka cuna caanahana cabba.

Sidaas oo kale, cabashadu waxey ka imaaneysaa dadka kalluunka ka gacansada ee Waqooyiga Faransiiska oo iyaguna aan ka nabadgelin weerarada dhirleyda.

Dhirleyda ayaa ah koox aan hilibka cunin caanahana aan cabbin, Yurub waxey gaarayaan 1.5% ilaa 2.5%, sida ay warbaahintu sheegayso.

Halka ay 40% ka yihiin dalka India, halkaas oo ay ku dhaqan yihiin aqlabiyad Hunduus ah oo lo’da caabudda oo aan ogoleyn in la gowraco ama la cuno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close