WararkaWaxbarashada

Somaliland: Xafiiska Imtixaanaadka oo Farac Cusub Ka Furtay Gobolka Awdal

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka iyo guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Awdal ayaa waxey si wadajir ah xarigga uga jareen xafiiska imtixaanaadka Qaranka ee Galbeedka Somaliland.

Guddoomiyaha waxbarashada Awdal Jeeke Cismaan Ciye, ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay xafiiskan cusub ee uu gobolku yeeshay maadaama adeeggii ay ardaydu ka doonan jireen gobolkooda loogu keenay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaa annaga maanta noo farxad ah in xafiis heer gobol ah oo ka wakiil noqon doona imtixaanaadka heer qaran in lanooga furo maanta gobolka Awdal,  gaar ahaan waxey farxad noogu tahay, ka gaar ahaan sida wanaagsan ee ay noola qaateen, waxaan nahay gobolkii labaad oo loo furo, xafiis imtixaamaad, taasina ay muhiimadda tahay ardayda intaa le’eg 3,607 arday wixii macluumaad ah ama shahaado ah wax kasta oo ay xafiiska imtixaanaadka uga baahdaan inuu noqdo xafiiskii u fudeydin lahaa, halkii laga tagi lahaa hargeysa.”

Daa’uud Axmed Faarax, guddoomiyaha Imtixaanaad ayaa dhankiisa ka halay sida uu ugu kalsoon yahay hawenayda xafiiskan loo magacaabay iyo iney muddo dheer soo wada shaqeeyeen isagoo sheegay in ardayda galbeedka Somaliland ay xafiiska u fureen:

“Cadar aad baan ugu hambalyeyanayaa muddo 10sano ah ayaanuu soo wada shaqeynaynay waanan ku kalsoon nahay,  in xafiiskaasi noqon doono xafiis taabogal ah. Ardayda marka la qiimeynayo Hargeysa ayey imanayeen, imika xafiisku marka uu qiimeeyo isla markaana copy-gii xafiiska imtixaanaadka Qaranku wuu helayaa, ardayda Galbeedka Somaliland ku nool wixii imtixaanaadka Qaranka looga baahdo waxey soo marayaan gobolka Awdal.”

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland C/qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed, ayaa ka hadlay muhiimadda uu xafiiskan cusubi u leeyahay iyo sida loogu diirsaday kii ka horreeyay ee gobollada bariga Somaliland:

“Daa’uud iyo team-kiisa dadaal badan ayey xafiiskan u galeen waanan ku ammaaneynaa waanan ku faraxsan nahay, anguna waan la qaadannay inaanu sameynno xafiis u gaar ah imtixaandka, runtii waxaanu aragnay oo aan qireynaa faa’iidadii laga helay gobollada bariga ee uu xafiiska Burco ka mid yahay, waxaan is leeyahay wax badan ayuu ku soo kordhin doonaa, imtixaanaadka imika socdaba meeshii laga hagi lahaa ayey noqon doontaa.”

Si kastaba, xafiiskan ayaa ah kii labaad ee laga hirgeliyo gobollada Somaliland iyadoo uu ka horreeyay xafiiska gobollada bari ee xaruntiistu tahay magaalada Burco.

Maandeeq FM

Related Articles

Close