arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Amasijos” oo Noqotay Boqoradda Quruxda Dameeraha Colombia

Dameerta Amasijos ayaa ku guuleysatay boqoradda quruxda dameeraha, tartan si sanadle ah loogu qabto deegaanka Moniqurra ee dalka Clombia.

Dadka deggan Moniqurra ee dhex bartamaha Colombia ayaa waxaa caado u ah iney sanad walba qabtaan dabaaldag weyn oo dameeraha loo sameynayo, kaas oo soo bilowday 14-sano ka hor, dameerka ayaa waxaa loo soo xiray dhar, waxaana loo qurxiyay si aad u heer sarreysa, si ay quruxdeeda u soo jiidato beeraaleyda oo qiimeeya dameerka u qalma naaneysta boqoradda in la siiyo.

Dameertan boqoradda quruxda ku guuleysatay Amasijos ayaa waxaa iska leh Alvaro Lopez, waxa uu wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay: “Waxaa muhiim ii ah inaan xafladda kala qeybqaato beeralayda xaaladda adag ku shaqeysa oo noloshooda inta badan aaney cidina daneyn.”

Amasijos ayaa loo soo xiray timo buroko ah, koofiyad qurux badan, dhar midobbo badan, waxey soo jiidatay indhaha beeraaleyda oo u doortay boqoradda dameeraha Colombia, tartanka waxey kaga guuleysatay 59 dameer oo kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close