WararkaWaxbarashada

11 Arday oo Ku Guuleystay Deeq Waxbarasho Gobolka Ohio ee Gudaha Dalka Mareykanka

Sanad walba xilligan oo kale waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talogalay in lagu dhiirigeliyo ardayda dhammeysatay dugsiyada sare iyo kulliyadaha kala duwan ee gobolka.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sonna, xafladda sanadkan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada, madaxda gobolka iyo ardayda, waxaa soo abaabulay hay’adda SomaliCAN oo ah hay’ad u adeegta bulshada oo uu lafdhabar u yahay Prof. Jibriil Maxamed.

Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladda sanad walba waxey ka heleen deeqo waxbarasho iyo dhiirigelin ay ku sii wataan waxbarashadooda.

Sanadkan waxaa abaalmarinta la guddoonsiiyay 11 arday oo 5 ka mid ah ay wiilala yihiin halka 6 kalena ay gabdho yihiin, abaalmarintan ayaa waxey ku heleen qori-tuut loo sameeyay ardayda.

1      Sumayah Aden, Dublin Coffman High School

2      Salma Mohamed, Westerville Central High School

3      Safia Hersi, Westerville Central High School

4      Omar Jeylani, South-Western Career Academy

5      Mohamed Awil, Mifflin High School

6      Mohamed Abdulahi, Horizon Science Academy

7      Maryam Bafadal, Franklin Heights High School

8      Kiin Ali, Franklin Heights High High School

9      Fardowsa Dahir, Hilliard Bradley High School

10   Abdulkhabir Hassan, Connections Academy

11   Abdifatah Warsame, Franklin Heights High School

Dhiirigelinta ardaydan ayaa waxaa ka qeybqaatay goobo gacansi oo ay Soomaalidu leeyihin iyo kuwa kale oo xiririi la leh, waxaa ka mid ah; Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle,  MAS, Twinkle Star, Enhanced, iyo kuwo kale oo baddan.

Si kastaba, Barnaamijka deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dadaalka dheeriga ah ee Ardayda iyo waalidiinta Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka ay ka sameeyaan dhanka waxbarashada taas oo si weyn uga dhex muuqata marka loo eego qowmiyadaha soo galootiga ah.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close