WararkaWaxbarashada

8-jir Dhammeeyay Dugsiga Sare … IQ Waa 145 … September-ta Soo Addan Waxa Uu Aadayaa Jaamacad!

Laurent Simons, waa 8-jir waxa uu ku dhashay Bruges, Belgium, September 2018 waxa uu aadayaa Jaamacad, waxbarashada dugsiga sare waxa uu ku dhammeeyay sanad iyo bar, illaa hadda weli go’aan kama aanuu gaarin maadada uu takhasus ka dhiganayo, aabaha dhalay ayaa waxa uu u sheegay Radio-ga Belgian ee VRT, “Haddii uu go’aansado inuu farsamo yaqaan noqdo, wax dhibaato ah uma arko mar haddii uu isagu ku faraxsan yahay!.”

Canugan yar ayaa iskuulka la dhameeyay arday kale oo 18-jirro ah, waxa uu sheegay inaanuu weli go’aansan takhasuskisa, inuu noqon doono cirbixiyeen ama dhakhtar qalliin, laakiin waxa uu tilmaamay inuu xisaabta aad u jecelyahay, maxaa yeelay; statistics, geometry iyo algebra ayaa ka mid ah, waana waxaan ku jeclahay, ayuu yiri.

Iyadoo ay jirto in Laurent uu aad u caqli badan yahay ayaa hadana, waxaa ku adag inuu saaxiibadii la xiriiro, aabihii ayaa waxa uu leeyahay, “Haddii ay siiyaan shay uu ku ciyaaro, wax uu ku sameeyo ma yaqaanno.”

Kuma aanuu guuleysan inuu ardayda kaalinta koowaad u galo, laakiin aabihii waxa uu marayay imtixaanka IQ qof lagu qiyaaso ee lagu ogaado heerka caqli badnidiisa, imtixaanka waxa uu ka keenay 145 dibcood, taas oo ka dhigeysa inuu aad u caqli badan yahay, qofka caadiga ah IQ-giisu waxa uu gaaraa 90 ilaa 110.

Canugan ayaa si iskii ah wax isku baray, 6 sano ee iskuulka waxa ay ku qaadatay halsano iyo bar qura. Hadda markii uu dugsiga sare dhameeyay waxa uu haystaa 2 bilood oo uu go’aan uuga gaaro mustaqbalkiisa, kadib waxa uu aadayaa jaamacadda uu go’aansado inuu naftiisa ku horumariyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close