arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Caruurtii Godka” oo Badbaadintoodu Ka Bilaabatay Gudaha Thailand… Caniggii Kaliya Si Loo Badbaadiyo Saacado Ayey Qaadaneysaa

Markii diyaargarow lagu jiray in ka badan Labo isbuuc ayaa badbaaxayaal ay bilaabeen Axadda July 8, 2018 badbaadinta “Caruurta godka” ku jira ee 12-ka ah iyo macallinkooda, gudaha goobta ay ku xayiran yihiin ee Waqooyiga Thailand, waa sida uu sheegay hoggaamiyaha badbaadinta caruurtan u xilsaaraan.

Narongsak Osottanakorn, oo hoggaaminayay kooxda badbaadinta ayaa waxa uu sheegay in howlgalkooda ay bilaabeen 03:00 habeennimo, saacado badanna ay qaadan doonto inta godka laga soo saarin cuniggii ugu horreeyay.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay maalmaha Saddexda ilaa Afarta soo aaddan waa waqtiga ugu habboon ee howshan badbaadinta.”

Caruurtan oo ah koox kubadda cagta ah oo uu la socdo tababarahooda ayaa waxey lagu waayay waqooyiga Thailand, waxaa markii dambe laga helay god goob dalxiis ah oo dadka deegaanku ay booqdaan. Isniintii 25 June,  meel ay gabbaad ka dhigteen roob da’ayay dartii ayaa  dhulku la go’ay iyagoo hadda dhulka hoostiisa ku xayiran, meel walba biyo ayaa kaga hareeraysan xaaladuna wey ku adag tahay.

Sida ay warbaahintu sheegayso caruurta ayaa waxey ku jireen safar daahrog ah oo ay ku kala bixinayeen buuraaleyda Thailand, godka ay ku dhaceen ayaa agtiisa laga helay baaskiilado ay saarnaayeen iyo kabahoodii sprots-ka oo ay halkaa ku siibeen. illaa hadda waxaa loo geeyay raashin ku filan 40 maalmood, waxa xayiraya ayaa ah biyo goobihii ay ka bixi lahaayeen ku hareeraysan iyo dabaasha oo aaney waxba ka garaneyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close