CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

War Farxad leh.. Horumar Yididiilo Leh oo Laga Gaaray Tallaal Cusub oo Aids-ka Lagula Dagaallamo

Daraasad cilmiyeed ayaa daahrogtay tallaal waqtigiisii tijaabada ku jira oo loogu talagalay in lagula dagaallamo cudurka HIV Aids, kaas oo dadka ka difaacaya inuu ku dhaco cudurka.

Joornaalka “Thelancet“, ayaa sheegay in tallaalkan tijaabada ah la horumarinayay muddo 40-sano ah, waxa uu bilaabay hadda inuu difaac adag siiyo jirka, dadka qaar oo lagu tijaabiyayna uu ka difaaco cudurka inuu ku dhaco.

Daraasaddan ayaa waxey tilmaantay in tallaalka uu ku habboon yahay aadanaha, waxaa lagu tijaabiyay 2600 oo haween K/Afrika ku nool si loo eego guulaha uu tallaalku leeyahay iyo sida uu qofka uga ilaalin karo Aids.

Dan H Barouch oo ah professor wax ka dhiga jaamacadda “Harvard”, isla markaana hoggaaminayay daraasaddan ayaa waxa uu yiri: “Iyadoo ay jirto in xogaha aan haynnaa ay ina dhiirigelinayaan, ayaan hadana waxaan u baahan nahay inaan taxadar badan sameynno.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Tallaalku waxa uu ku guuleystay inuu ilaaliyo saddex meelood oo laba meel daanyeerkii lagu tijaabiyay, laakiin arrintaasi kama dhigna inuu aadanaha badbaadin karo, sidaa darted, waxaan u baahan nahay inaan sugno natiijada daraasaddan inta aanan ogaanin in aadanaha uu Aids ka ilaalin karo iyo in kale.”

Waxaa la filayaa in natiijada kama dambeysta ah ee ku saabsan tallaalka ay soo baxdo inta u dhaxeysa 2021 ilaa2022.

Laakiin natiijooyinka illaa hadda laga gaaray wanaag badan ayaa laga rajeynayaa, waa tallaalkii ugu wanaagsanaa “Waxa uu difaac adag oo heersare ah u sameeyay aadanaha, arrintaas oo muujineysa inuu aadanaha Aids ka ilaalin karo.”

Dadkii la tallaala 5 ka mid ah ayuunbaa ka sheegtay side effects uu uu ku yeeshay  caafimaadoodka, dadkaas waxey dareemeen calool xanuun, shuban, madax wareer iyo dhabar xanuun.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close