WararkaWaxbarashada

5 Talo oo Dhiirigelin ah oo Ku Qoran Buugga “Fanka U Aabo Yeelid La’aanta ” ee uu Akhriyay Maxamed Saalax

Xidigga Kubadda Cagta xariifka ku ah ee reer Masar Mohammed Salah, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawir, isagoo akhrisanaya buugga “The Subtle Art of Not Giving Fuck” ee fanka u aabbo yeellid la’aanta, tarjumaad Luqadda Carabiga ah oo buugga laga sameeyay, jaraa’idka caalamiga ah qaarkood ayaa waxey soo bandhigeen talooyinka ugu muhiimsan ee buugga ku qoran.

Buugga waxa uu ka hadlayaa nolol ka duwan tan caadiga ah inuu qofku raaco si uu u gaaro guulo ka duwan tan dadka kale, waxaa qoray Mark Manson oo ku takhasusay “horumarinta nafta”, taalooyinka ugu muhiimsan ee uu buuggani ka hadlayo waxaa ka mid ah:

  1. Fashilku waa wadada horumarka, mar kasta oo aad fashilanto waxaad isku dayaysaa inaad kordhiso tijaabooyinkaaga iyo mashaariicdaada, fashilku waxa uu ka mid yahay horumarinta nafta.
  2. Ha isku dayin.. caqli badnidu maaha inaad caqabadaha aan xalka lahayn aad xalliso, naftaada run u sheeg oo wixii aan kuu soconeyn ha isku dayin.
  3. Xanuunku waxa uu naga garab siiyaa inaan ogaanno waxa noo wanaagsan iyo wixii aan noo wanaagsaneyn, dhibaataduna waa waxa nagu riixa inaan isbedel sameynno.
  4. Sideed ku noqon kartaa qof faraxsan? Sareedada waxey ka timaadda xallinta mashaakilaadka taagan, waa qeyb ka mid ah waxqabadka, waa shaqo aan qabaneyno ee maaha shey sixir ah oo samada inooga imaanaya.
  5. Halkee dhiirigelinta nolosha uga timaaddaa aadanaha? Waxqabadka, Waa inaad waxqabad sameyso haba yaraadee, si aad ugu dhiirato shay ka ballaaran oo ka baaxad weyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close