arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Tuug Farriin Cudaddaar ah u Reebay Dadkii Iska Lahaa Guri Uu Xaday

Tuugg ayaa farriin cudaddaar(cudurdaar) ah u dhigay iridda firinjeerka guri uu xaday oo ku yaalla magaalada Tacis ee dhex bartamaha Yemen, waxa uu xaday qalab koronto iyo alaabo electronic ah oo qiimahoodu ay yihiin 250-kun oo Riyaal Yemeni ah  oo u dhiganta 500-dolarka Mareykanka ah.

Wakaaladda Anatolia ayaa qisadan ka wareysatay Faqiih oo xididka la ah gabadha gurigeeda la xaday, waxa uu yiri: “Tuug ayaa Sabtii xaday guriga xaaskeyga walaasheed oo ku yaalla xaafadda Al-Zahra ee magaalada Tacis, waxaanuu farriin cudaddaar ah u dhaafay haweenaydii guriga iska lahayd ee uu xaday!.”

Waxa uu tilmaamay iney guriga maalmo ka hor ka qaxeen oo ay u guureen miyiga si kumeel gaar ah, maadama ay madaafiic ku soo dhacaysay agagaarka guriga oo ku yaalla meel furin ah dagaalka ka socday dalka Yemen ee xuutiyiinta iyo isbaheysiga uu Sucuudiga u dhaxeeyay darteed.

Faqiih, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in xaaskiisu ay guriga aadday si xaaladdiisa ay u soo ogaato, waxaa lama filaan ku noqotay farriinta tuugga uu qoray oo ay ka heshay iridda firinjeerkii guriga yaallay, waxaa ku qornaa: “Anigaa xaday, Allaan ku dhaartee gaajo unbaa ii geysay, iga raalli noqda, waa walaalkiin Cabdi Axmed.”

Sida wakaaladda Anatolia ay sheegtay Faqiih ayaa bartiisa Facebook ku faafiyay farriintii tuugga isagoona tilmaamay “Tuuggu ma aanuu wada xadin qalabkii guriga yaallay oo dhan.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close