WararkaWaxbarashada

10 Luuqadood ee Ugu Muhiimsan Adduunka

Xilligan aan ku jirnno waxaa habbooneyn in qof dhalinyaro ah uu luqaddiisa hooyo oo qura uu  yaqanno oo aaney luqad kale u raacsaneyn. Globalization-ka ayaa kugu khasbaya inaad dad badan la xiriirto, waxaa dunida ka jirta in ka badan 7000 oo luqadood oo daafaha kala duwan ee dunida ka jirta, waxaan idiin soo xulnay 10-ka luqadood ee ugu saameynta badan.

  1. Ingiriiska

Waxaa ku hadla 375 milyan oo qof oo xariif ku ah luqadooda hooyana ay u tahay, waxaa isticmaala 1.5 bilyan oo qof daafaha kala duwan ee dunida oo ay luqadooda labaad u tahay. Waxaa lagu tiriyaa iney tahay luqadda ugu saameynta badan adduunka. Waa luqadda ugu muhiimsan ee internet iyo computer-ka, waa luqadda rasmiga ah ee Mareykanka, Kanada iyo UK, oo ka mid ah dowladaha ugu dhaqaalaha wanaagsan adduunka.

  1. Mandarin (Shiinaha)

Waa luqadda dadka ugu badan ay ku hadlaan adduunka, waxa si wanaagsan ugu hadla 982 milyan oo qof oo xariif ku ah, tirada dadka Shiinaha ee aadka u badan ayaa luqaddan ka dhigatay iney noqoto mid muhiim ah.

  1. Luqadda Carabiga

Luqadda Carabiga waxey ka mid tahay luqadaha ugu muhiimsan, waa luqadda rasmiga ah dowlado aan ka yareyn 22 dowladood. Waxaa ku hadla in ka badan 200 oo milyan oo qof oo dunida Carabta ah oo lagu daray 100-milyan oo kale oo daafaha kala duwan ee dunida ku noo. ku darso iney tahay Luqadda Islaamka oo ah haystaan 1.5 bilyan oo qof, daafaha kala duwan ee dunida.

  1. Luqadda Spanish-ka

Luqadda Spanish-ku waxey ka mid tahay luqadaha ugu muhiimsan ee dunida saameynta ku leh, waxaa ku hadla oo luqadooda rasmiga ah ay tahay 330 milyan oo qof, waxaa kale oo yaqaanna ku dhawaad 440 milyan oo qof, waxey luqad rasmi ah u tahay 20-dowaladood oo ay ku jiraan inta badan dowaladah Latin America.

  1. Luqadda Japanese-ka

Waa mid ka mid ah luqadaha ugu muhiimsan adduunka, waa luqadda rasmiga ah ee dowaladda Saddexaad ee Adduunka ugu dhaqaalaha fiican, waxaa ku hadlay 127 milyan oo qof, waxey ka mid tahay luqadaha ugu muhiimsan ee teknoolojiyada casirga ah.

  1. Luqadda Jarmalka

Jarmalku waa dowaladda ugu dhaqaalaha xooggan Yurub,  waxaa ku hadla 105 milayn oo qof oo lagu daray 85 milayn oo kale oo ku dhaqan daafaha kala duwan ee dunida oo ay u tahay luqadooda labaad.

  1. Af Ruushka

Luqadda Ruushka waxaa loo aqoonsan yahay iney tahay luqada ay ku qoran yihiin riwaayadaha suugaanta ee ugu muhiimsan adduunka. Waa sabab ka dhigeysa in qof kastaa uu barto, waxaa ku hadla 150 milyan oo qof oo luqadooda hooyo ay u tahay, waxaase ay luqad labaad u tahay oo ku hadlay dad ku dhaw dhow 110-milyan oo qof oo kale.

  1. Faransiiska

Luqadda faransiiku waxey ahayd luqadda diblomaasiyadda muddo Qarniyo ah, waa luqadda muhiim ah marka aad doonto inaad la mucaamisho, waxaa ku hadla oo luqaddooda hooyo ay u tahay 79 milayn oo qof, dadka ku hadla waxey gaarayaan 370-milayn, arrintaas oo muujineysa muhiimadeeda.

  1. Af Hindiga

Luqadda rasmiga ah ee India looga hadlo waa isticmaala 400-milyan oo qof oo luqadooda hooyo ay u tahay, iyo 200-milyan oo kale oo daafaha dunida ah oo ay luqadooda labaad u tahay, waxey ka mid tahay luqadaha ugu adeegsiga badan dunida.

  1. Portuguese-ka

Portuguese-ka waxaa ku hadla 235 milyan oo qof, waa luqadda rasmiga ah ee Brazil iyo Portugal iyo 7 dowladood oo kale. Sidaa darted waxey soo galaysaa liiska luqadaha ugu saameynta badan dunida.

Maandeeq FM

Related Articles

Close