arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Goob Ka Mid Ah Layaabka Adduunyada oo Laga Mamnuucay In Lagu Oogo Salaadda Jimcaha

Maxkamadda sare ee India ayaa xukuntay July 9, 2018, in Muslimiinta ku dhaqan Agra aan loo ogoleyn salaadda Jimcaha iney ku tukadaan <<Taj Mahal>> oo ka mid ah 7 goobood ee ugu yaabka badan Adduunka.

Jariidada India times ayaa waxey sheegtay in maxkamaddu ay tiri “Goobtan waxey ka mid ah Cajaa’ibta adduunyada ee 7-da ah, waa in la ilaaliyo, in salaad lagu dhex oogo maaha.”

Maamulka Taj Mahal ayaa waxa uu amray in dadka masaajidka Taj Mahal ku tukanayaa ay noqdaan dad deegaanka Agra ku nool, gaar ahaan kuwa haysta aqoonsiga. Laakiin go’aankaa racfaan ayaa laga qaatay oo koox musliim ah oo dooneysay in dadka oo dhan loo furo ayaa dacwad u gudbiyay maxkamadda sare. Laakiin maxkamaddii waxey taageertay go’aan hore oo sheegayay in goobta laga mamnuuco gebi ahaanba Salaadda.

Jariidada “India times” sida ay sheegayso, dacwadda ayaa ku furuntay kadib markii dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen in dad aan Hindi ahayn iyo kuwo kale oo Bengal ah ay ka faa’ideystaan Jimcaha si ay u booqdaan Taj Mahal oo maalmaha kale lagu galo lacag.

Taj Mahal waxaa dhisay boqorkii Mongol-ka ee  Shah Jahan sanadkii 1631, waxa uu u dhisay xaaskiisa Mumtaz Mahal si uu magaceeda u raajiyo. Dhismahani waxa uu ka mid yahay dhismayaasha ugu quruxda badan Adduunka, dhismihiisa waxa uu u taagan yahay saddex ilbaxnimo oo hal-meel ku kulansan, ilbaxnimada Mongol-ka, tan Islaamka iyo India.

Maandeeq FM

Related Articles

Close