WararkaWaxbarashada

Guushii Magaalada Qudus Ay Ka Soo Hoysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee “F4” Falastiin

Iyadoo ay jirto in magaalada Qudus ay dhibaatooyin dhanka Yahuudda ah waajaheyso ayaa hadana ay kaalin fiican ku yeelatay 10 arday ee ugu sarreysa ee gobollada kala duwan ee Falastiin, ardayda Lama Khaalid Daa’uudi ayaa gashay kaalinta koowaad Falastiin oo dhan sanadkan 2018, waxey keentay 99,7%, iyadoo ka sare martay 18,857 arday oo imtixaanka u fariistay dugsiga sare ee Cilmiga.

Waxaa kaalinta labaad galay Maxamuud Maxamed Xamadaan oo ka tirsan iskuulka Kulliyadda Ibrahimiya isagoo keenay 99.6, waxaana kaalinta Saddexaad galay Sufyaan Khadar Karaama oo keenay 99.4%.

Qeybta teknoolojiyada waxaa kaalinta koowaad u gashay ardayadda Layla Muuse Abu-Qanaam oo  keentay 86.6%.

Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay Axaddii, waxey ku dhawaaqday natiijooyinka imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee sanadka 2018.

Sida ay wasaaraddu sheegtay tirada ardayda imtixaanka ka qeybgalay waxey gaarayeen guud ahaan 72,604 arday, waxaa imtixaanka ku baasay 48,420, iyadoo celcelis ahaan natiijada guud ee ardaydu ay ahayd 66.69%.

Ardaydda kaalinta koowaad gashay ee Lama Khaalid Daa’uudi oo la hadashay telefishinka AlJazeera ayaa waxey tiri: “Ma aanan rumeysan markii uu ila soo hadlay wasiirka waxbarashada uuna ii sheegay natiijada, waan jareeyay, shay ka qurux badani ma jiro farxadda guusha.”, ardayddan ayaa tilmaantay iney rajeynaysay iney ka mid noqoto 10-ka arday ee ugu sarreysa, laakiin guusha ay gaartay ay ahayd mid lama filaan ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close