WararkaWaxbarashada

Isbuuca Cilmiga Afrika oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Muqdisho

Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirkii ugu horreeyay ee Sayniska, Teknoolojiyada, Engineering-ka iyo Xisaabta, kaas oo qeyb ah dhacdada sanad laha ah ee caanka ka ah ee Qaaradda Afirka looga yaqaanno Isbuuca Cilmiga Afrika “African Science Week”.

Shirkan qabanqaabadiisa waxaa iska kaashaday Somali STEM Society, Hano Academy, mac’hadka Afrika ee Sayniska & Xisaabta iyo mac’hadka Waxbarashada iyo horumarinta (IED).

Shirkan ayaa ulajeedadiisu tahay in la isku keeno Saynisyahanno, enjineerro, dadka teknoolojiyada iyo xisaabta ku xeeldheer gudah Soomaaliya, khubaro iyo cilmi-baarayaal da’aad kala duwan leh oo daafah dunida ka kala imaanaya si ay uga doodaan caqabadaha uu cilmigu waajahayo ee haysta Sayniska, Teknoolojiyada, engineering-ka iyo xisaabta gudaha Soomaaliya, iyo sida cilmiga looga faa’iidaysan karo xallinta mashaakilka Soomaaliya.

Shirkan bilowday maanta ayaa soconaya ilaa Jimcaha 13 bishan July 2018 oo markaa la soo gabagabeyn doono.

Maandeeq FM

Related Articles

Close