WararkaWaxbarashada

Hab Cusub oo Wax Loo Baranayo Dunida.. “Virtual reality” oo Iskuulaadka Lagu Soo Kordhinayo

Shirkadda space system ee dalka Ruushka ayaa shir ay qabatay July 9, aan ku jirno, ku dhawaaqday in ardayda Iskuulaadka iyo Jaamacadaha Ruushka ay Juqraafiga, biology-ga iyo taariikhda ay ku dhigan doonaan barnaamijka Virtual reality (VR), kaas oo si baraatika ah ay ardayda wax ugu dhigan doonaan.

Ku xigeenka maalulaha shirkadda oo la yiraahdo Yevgeny Nesterov ayaa yiri: “Hadda waxaan ku dhex jirnaa dejinta teknoolojiyada VR si aan u fulinno oo aan uga dhaqan gelinno iskuulaadka iyo jaamacadaha dalka. Qeybtii farsamada waan dhammeynnay. Hadda waxaan u diyaarsan nahay shaqo, si aan teknoolojiyadan uga dhaqangelinno iskuulaadka iyo jaamacadaha.”

Nesterov waxa uu sheegay iney doonayaan iney soo saaraan xirfadlayaal sare oo la jaanqadi kara teknoolojiyada casirga sida loogu shaqeeyana garanaya.

Virtual reality “VR”; waa eray bixin ka warramaysa computer xog kuu soo bandhigaya sidii inaad si dhab ah u joogtana kaaga dhigaya iyadoo hab 3D ah wax laguguugu soo bandhigayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close