WararkaWaxbarashada

Natiijada Imitixaanka Dalladda Waxbarashada Ahliga Ah ee FPNS oo Lasoo Dhajiyay

Natiijada imtixaankii dalladda Waxbarashada Ahliga ah ee FPNS ayaa loo qeybiyay iskuulaadka dalalladda hoos yimaada maallinimadii shalay July 10, 2018.

Ustaad Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Ugaas oo ah maamulaha guud ee iskuulaadka Imaam Maalik ayaa noo sheegay in natiijada imtixaankii iskuul kasta si iskii ah e-mail loogu soo diray:

“ Imtixaankii la qaaday Bishii Shanaad Shanteeda, Talaadadii July 10, 2018 ayaa Iskuul kasta si iskii ah  e-mail loogu soo diray, waxaa hadda gacanteyda ku jirta darajada dhmmaan ardaydii Imaam Maalik imtixaanka u gashay, guud ahaan waxey ahaayeen 274 arday, kulligoodna wey wada guuleysteen oo arday imitixaanka ku dhacay ma jiro.”

Mar aan wax ka wayddiinnay sababta ay dalladu imtixaanka meel qura ugu soo wada dhajin weyday si loo ogaado ardayda kaalmaha horey galay ayaa waxa uu noogu jawaabay:

“Waxey ila tahay iney gadaal ka soo sheegi doonaan ardayda kaalmaha hore, 10 arday ee ugu sarreysa iyo xitgaa 100 arday ee ugu buundo fiican, aadbaan u daneynayanaa in arrintaasi ay dhacdo, laakiin weli ma haynno.”, ayuu yiri Ustaad Cabdiraxmaan Sheekh

Si kastaba, Imtixaanka FPNS ayaa sanadkan la kulamay xoogaa dhibaato ah kadib markii qishka imtixaanka ay ardaydu dibadda ka heleen maaddooyinka qaar oo markii dambe la kansalay dibna loogu soo daabacay imtixaan cusub.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close