CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dabbaashu Sports oo Kaliya Maaha .. Faa’iidooyin Badan Ayaa Laga Helaa

Dabaashu waxey ka mid tahay sprots-ka ugu muhiimsan oo dadka oo dhan u wanaagsan, waxaa ku adkaada lafaha oo ku toosa, waxeyna ka mid ah sports-ka ugu dhaawaca yar.

Dr. Hisham Al Ameri oo ah dhakhtar caafimaad kana tirsan xiriirka dabbaasha ee Masar ayaa sheegay in dabaashu ay ka mid tahay sports-ka ugu muhiimsan, waxey yareysaa, ayuu yiri, fursadaha inuu qofka ku dhaco cudurrada wadnaha iyo sonkorowga isla markaan uu kor u kaco heerka kolostaroolka dhiigga.

La taliyahan caafimaad oo la hadlay jariidada “Youm7”, ayaa uu yiri, sababta cilmiga ah ee dabbaashu u wanaagsan tahay ayaa ah in biyuhu uu ka cufnaan badan yahay hawada 12 jeer, sidaa darteed, waxaa lagu xoojiyaa murqaha, kalagoysyada iyo dhaqaaqa guud ee jirka.

Marka loo barbardhigo sports-ka kale, way ka dhaawac yar tahay, tusaale ahaan; sports-ka baaskiiladaha waxaa dhici karta iney qofka soo gaaraan 5 dhaawac oo kala duwan, oradka 4 nooc oo dhaawaca ayaa ciyaar yahannadu halis ugu jiraan, laakiin dabaasha waxaa hal nooc oo dhaawac ah ayuunbaa dadka looga cabsadaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close