TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Waa Kuma “Jeff Bezos”.. Aasaasaha Amazon & Shaqsiga ugu Taajirsan Adduunka

Jeff Bezos, waa maalqabeenka dunida ugu taajirsan, mid ka mid ah ragga tekoolojiyada ka ganacsada casirgan, waa aasaasaha shirkadda Amazon isla markaana maamula, waxa uu ka sare maray milkiilihii mudada dheer ku fadhiyay kursiga ganacsadaha ugu taajirsan Adduunka ee Bill Gates.

Bezos, waxa uu dhashay January 12, 1964-tii, waxa uu ka soo baxay jaamacadda Princeton ee gobolka New Jersey ee Mareykanka, waxa uu falanqeeye maaliyadeed ugu shaqeeyay shirkadda D.E Shaw inta aanuu aasaasin ka hor shirkadda Amazon sanadkii 1994, sanadkii 1999 waxaa loo doortay shakhsiga sanadka ee ay xulato jariidada Times. Markii uu guuleystay website-ka Amazon, waxa uu ka garab aasaasay shirkadda (Blue Origin), taas oo ka shaqeysa in aadanaha uu deegaan ka dhigto hawada sare.

Hantida uu leeyahay

Sanadkii 2006 hantidiisu waxey ahayd 3.6 billon oo dollar, waxaanuu ahaa ninka 70aad ee dunida ugu taajirsan, sanadkii la soo dhaafay ee 2017, ayaa waxaa u suurogashay in hantidiisu ay gaarto 100 billion oo dollar kadib markii saamiga shirkadda Amazon uu kor u kacay 2.5%

Xaqiiqooyin Bezos ku saabsan

-Maalintii wax uu seexdaa 8-saacadood.

-Codkiisa ayuu kaga qeybgalay musalsal kaartoonka caanka ah ee “The Simpsons”, gaar ahaan sanadkii 2008.

-Waxa uu leeyahay Saddex caruur ah oo uu dhalay, iyo gabar Chinese ah oo uu korsado.

-Yaraantiisii inta badan waxa uu ku qaatay beer awgiig ee ku taallay gobolka Taxies, halkaa ayuu ariga ku raaci jiray, waxaanuu sameyn jiray marawaxadaha hawada laga dhaliyo.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close