TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Arday Ingiriis Ah oo Horumarin Ku Sameeyay Qalab Cusub oo Xawaaraha Badmaaxa Si Aan Horey Loo Arkin u Kordhinaya (Muuqaal)

Arday jaamacadeed oo la yiraahdo Archie O’Brien ayaa sameeyay qalab cusub oo suuraggal ka dhigaya in badmaaxyada ay si wanaagsan uga faa’iideystaan xilliga ay biyaha quusayaan.

Qalabkan waxaa laga sameeyay CUDA underwater jetpack oo qeyb ka ahaa mashruuciisa qalinjabinta jaamacadda Loughborough ee gudaha Ingiriiska, waxaa la iibin karaa oo suuqyada la soo gelinayaa sanadka 2019 ee soo aaddan.

Sida uu qoray website-ka Daily Mail, xawaaraha qalabkan CUDA ayaa gaaraya 8-mayl saacaddii, gacanta ayaa lagu shidi karaa, iyadoo xawaaraha uu qofku sida uu rabo uu u xakameyn karo, ardaygan ayaa la shaqeeyay shirkadda 3D Printing Hubs si uu u dhiso qalabkiisa cusub, waxaa sameyntiisa loo isticmaalay 45 gobol oo lagu daabacay hab 3D ah, waxaana ka mid ah matoorka xawaaraha dhaqaajiya.

Qalabkan ayaa badmaaxyada ka taageeraya iney xawaare ku quusaan badda hoosteeda, waxa uu xawaarahooda kordhigayaa mid aan horey loo arkin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close