WararkaWaxbarashada

Qisada Mayd Shirarka Ka Qeybgalayay 180-sano!

Faylasuufka Jeremy Bentham, waxa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay faylasuufyadii ugu muhiimsanaa ee Ingiriisku yeesho, waxa loo aqoonsan yahay inuu yahay faylasuufkii dhidibadda u taagay theory farabadan oo akhlaaqda ah, dad badani waxey ku naaneysaan aabaha aragtida “Utiltarianism”.

Faylasuufkan waxa soojeedinno ku dhac leh iyo tiro isbedello ah uu u horseeday bulshada Ingiriiska, waxa uu soo jeediyay in is-addoonisga la tirtiro, dilka iyo ciqaabta sharciga laga saaro, diinta iyo siyaasadda la kala saaro, waxa uu qawaaniin cusub u dejiyay xorriyadda hadalka, sinnaanta ragga iyo dumarka, sidaas oo kale waxa uu aad u difaaci jiray xuquuqda xaywaanka.

Maydkiisa “Embalming” lagu Sameeyay

Maydka caalimkan ayaa Embalming lagu sameeyay si aanuu isku bedelin, sanadkii 1769.  Jeremy Bentham waxa uu ka dardaarmay in marka uu dhinto maydkiisa uu baaritaan ku sameeyo dhakhtarka George Fordyce, xilligaas 21 jir ayuu ahaa. 1830 ayuu markale dardaarmay waxa uu codsaday in Dr. Thomas Southwood Smith in uu Embalming ku sameeyo si uu u noqdo, astaan waarta oo ku dayasho mudan.

Dardaarankiisii labaad waxyaabihii uu ka dardaamay waxaa ka mid ahaa in maydkiisa la duldhigo kursi isla markaana la geeyo shirarka akhlaaqda looga hadlayo. Waxa uu aaminsanaa in maydkiisa dadka nool uu dhiirriggelin u noqon karo.

Maalintii Lixdii Juun, 1832-dii ayuu geeriyooday, iyadoo da’diisu ay sii cagacageynayso xilligaas 84-jir, markii uu geeriyooday saddex cisho ka dib, waxaa lagu sameeyay maydkiisa qallin. Dr. Smith ayaa Embalming ku sameeyay, waxaa jirkiisa la mariyay maaddooyin kiimikeed si aanuu isku bedelin, xubnihii guda jirkiisa ku jiray oo dhan waa laga saaray, waxaana booskooda lagu buuxiyay xash qalalan iyo faashado kadibna dhar ayaa loo xiray si loogu diyaariyo inuu shiraarka ka qeybgalo.

Intii maydka dib u habeynta lagu waday ayaa waxaa isbedel lagu arkay madaxii oo foolxumo noqday, waxaa loo sameeyay madax shumac ah oo wejiga faylasuufka loo ekaysiiyay, laakiin madaxiisii dhabta ah  ayaa maydka la soo raaciyaa marka uu shirarka ka qeybgalayo.

Maydka caalimkan waxa uu ka qeybgalay shirar badan inta aan la geyn ka hor kulliyadda London qadrin loo sameynayo darteed dadaalkiisii uu u galay in aqoonta mid dowladeed laga dhigo oo lacag la’aan ah.

Sanadkii 1975 ayaa madaxiisa la xaday, qoloonkii qaatay waxey dalbadeed madax furasho, bilo yar gudaheeda ayaase madaxa lagu soo celiyay, waxaa laga soo helay Scotland oo goobtiisii lagu soo celiyay.

Sanadkii 2013 ayaa maydka Jeremy Bentham la keenay shir ay qabsadeen golaha Kulliyadda London, xilligaa waxaa lagu casuumay marti sharaf iyadoo aan la ogoleyn iney dadku sawirtaan.

Dhakhaatiirta qaar ayaa sanadkii 2017 waxey qaadeen DNA Bentham iyagoo ka dabqaatay madaxa caalimka ee dhabta ah si ay u sameeyaan cilmi-baarisyo, una baaraan suuraggalnimada ah inuu ku dhacay cudurka Autism iyo in kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close