arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Saddex Su’aalood oo Ay tahay Iney Isweydiiyaan Dadka Iscalmaday Inta Aaney Isguursan Ka Hor… talooyinka Obama

Khibradda mudada dheer iyo guurka sareedo ee uu la wadaagay Obama xasiiskiisa Michelle muddo 26-sano ah, waxa uu arkaa iney jirto sir guurka ka dhirta mid farxadeed.

Si aad u hesho nolol guur oo farxad badan waxa uu ku talinayaa Obama saddex su’aalood oo ay tahay in marka hore la is weydiiyo oo lagu baraarug sanaado, inta aan la isguursan ka hor:

  • Qofka aad gursaneyso ma yahay qof noloshaada muhiim u ah?

Wargeysa “Independent”, ayaa waxa sheegay in Obama uu yiri; qofku lamaanihiisa nolosha waqti badan ayuu la qaataa, waxaanuu nolosha la wadaa inta cimrigiisa ka harsan, wax ka muhiimsani ma jiro qofba qofka kale inuu dareensiiyo muhiimadda uu leeyahay.

  • Ma kaa qosliyaa?

Obama iyo xaaskiisu waxey ka hadlaan kaftan wadaag ka dhaxeeya, sida qof kastaa uu ila qosol ugu farxiyo kan kale, laakiin Obama waxa uu si gaar ah iskaga ilaaliyaa carada Michelle Obama,  sidaa darteed; ila qosolta mid uu kaga xanaajiyo kuma soo daro.

  • Hooyo/Aaabbo wanaagsan ma yahay?

Inta badan dadka isguursanaya curuurta ayey ku darsadaan qorshahooga, waxaa habboon habada in la isweydiiyo lamaahanooda aabbo wanaagsan iyo hooyo wanaagsan iney noqon karaan iyo in kale.

Noloshu waa waqti dheer, su’aalahaasi oo la isweydiiyaa guurka waxey ka dhigaan mid waara oo aan si sahlan ku burburin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close