WararkaWaxbarashada

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo Looga Hadlay Qodobbo Ku Aaddan Horumarinta Waxbarashada

Shirka golaha wasiirrada Somaliland ee Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay madaxtooyada Somaliland ayaa xoogga lagu saaray tayaynta waxbarashada.

Shirkan oo uu shir guddoominayay madaxweyne Muuse Biixi ayaa diiraadda lagu saaray tayaynta horumarinta waxbarashada, tababarrada macallimiinta agabka waxbarashada, dhiirriggelinta farsamda gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka Somaliland.

Taabagelinta tababarrada macallimiinta oo muhiim u ah aasaaska waxbarashada iyadoo kor loo qaadayo xirfadooda aqooneed, loonta tayaynayo agabyada waxbarashada, iyadoo laga duulayo muhiimadda ay iskuulaadka farsamadu ay leeyihiin ee xirfadaha kala duwan.

Shirka ayaa lagu sheegay iney xukuumaddu hirgelinayso dhammaan iskuulaadkii farsamada gacanta si loo kobciyo mihnadda aqooneed ee bulshada.

Waxaa kale oo uu golohu isla qaatay in waxbarashada gaarka loo leeyahay iney raacdo manahajka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close