WararkaWaxbarashada

Sida Billadaha Loo Kala Helay Tartanka Olympic-da Xisaabta oo Sanadkan Ay Ka Qeybgaleen 107-Dal

Waxaa si habsami leh dalka Romania uga socda Olympic-da Xisaabta Adduunka, waxaa tartanka hoggaaminaya Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo billado kala duwan ka helay tartanka oo ay ka qeybgalyaan 107 dal oo daafaha kala duwan ee dunida ka tirsan.

Ardayda Mareykanka ayaa waxey haystaan 5 biladood oo dahab ah iyo hal Qalin ah, Ardayda Ruushka waxey heleen 5 biladood oo dahab ah iyo hal qalain ah, billada ahaan waxey la siman yihiin ardayda Mareykanka, laakiin waxaa lagaga sarreeyaa dhibcaha guud. Kaalinta 3aad waxaa ku jira ardada Shiinaha oo helay 4 biladood oo dahab ah iyo labo qalin ah.

Sanadkan waxey saxaafaddu indhaha ku haysaa wiil uu dhalay madaxweynaha Suuriya “Bashar al-Asad”oo tartanka ka qeybgalay waxa uu galay kaalinta 486aad ardaydii guud ee tartanka oo gaareysey 615 arday. Sanadkii hore waxa uu galay kaalinta 528aad.

Wareysi uu siiyay janalka “Pro” ee Romania ayaa waxa uu yiri: “Waxaan ahay arday caadi ah, da’deydu waa 16sano jir, natiijada aan helay kama duwana tan ay ardayda kale heleen, sidaa darteed; ma fahamsani dareenka dheeraadka ah ee aniga si gaar ah la iigu hayo.”

Tartanka  Olympic-da xisaabta Adduunka ee hadda socda ayaa soo bilowday 3 July  waxa uuna ku eegyahay maanta 14 July 2018. Tartankan ayaa waxaa ardayda laga rabaa inuu xalliyo 6 Equations oo maalin kasta 3 xalkeeda lagaa rabo, Equations-kaas ayaa ka mid ah dhinacyada kala duwan ee Xisaabta.

20-ka dal ee ugu sarreysa billadaha Olympic-da:

Maandeeq FM

Related Articles

Close