arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ma Rumeysan Kartid.. Ma Aaney Dareemin Iney Uur Leedahay Illaa Mataano Ay Ku Dhasho Masqusha Gurigeeda!

Waxaa jira dumar aan dareemin iney uur leeyihiin, laakiin inta badan waxey is ogaadaan maalmo iyo saacado ka hor inta aan la gaarin waqtiga dhalmada, dumarkaas waxey aadaan dhakhtar oo ay marka dambe ku dhaalaan.

Laakiin xaaladda Beth Bamford sidaa wey ka duwan tahay, waxey ogaatay iney uur leedahay markii ay masqusha gurigeeda fooshii ku qabatay, habeen saqbarkii, waxeyna dhashay labo canug oo mataano ah.

Beth Bamford oo 21sano jir ah waxey u dhalatay UK, marar badan ayay dhakhaatiirta aadday cidina ma’aaney ogaan iney uur leedahay, waxey la dhibaatooneysay caadado wareer, xoogaana miisaankeedu wuu kurodhay.

Sida jariidada Daily Mail ay qortay, waxey dhashay labo canug oo mataano ah iyadoo lamaaneheedii Andy Morris oo 22-jir ah uu sariitiisa iska hurdo. Hooyadana fooshu si daran uma aaney qaban, waxey wacatay gaadiidka gurmadka degdegga ah si ay isbitaalka ugu dhammeysato dhalmadeeda.

Beth waxey sheegtay markii ay gurmadka degdegga ah u yimaadeen iney ku yiraahdeen waxaad u baahan tahay in madheerta lagaa soo saaro, laakiin canug kale ayaa soo baxay, arrintaas oo dhakhaatiirta ku noqday shoog.

Maandeeq FM

Related Articles

Close