CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Ragga oo Kaliya… 3 Calaamadood oo Ku Tusinaya Inuu Cudur Ku Hayo

Xilliyada qaar waxaan isku aragnaa calaamado digniin u ah cudurro inagu soo foolleh inagoon fahamsaneyn khatar inta ay gaarsiisan tahay, sidaa darteed; caalamadaha qaar marka ay raggu isku arkaan waxey digiin u tahay cudurrada qaar oo halis noqon kara.

Dr Amr Al Ahwani caafimaadka ragga si gaar ah ugu ku takhasusay oo la hadlay jariidada caanka ah ee “youm7” ayaa ka hadlay saddex calaamadood oo ragga marka ay isku arkaan digniin ka ah cudurro isla markaana ay tahay inuu gaaro dhakhtarkiisa caafimaad si loo daweeyo.

  1. Inuu xanuun isku arko marka uu kaadinayo, marka uu qofka ragga ah dareemo in xanuunku uu soo noqnoqdo waa in si toos ah uu dhakhtar u aado, waxaa dhici karta in uu ku dhacay “Benign prostatic hyperplansia”, ama ay kalyaha dhibaato ka jirto, xaaladdu waxey gaari kartaa kansarka prostatic ku dhaca ee khatarta ah.
  2. Inuu awoodi kari waayo inuu xaaskiisa u galmoodo, waa in marka ugu horreysa ee uu isku arko uu dhakhtarka aado, haddii uu fududeyso waxaa ku dhici kara inuu howlgab noqdo, waxaana sidoo kale lagu tiriyaa iney ka mid tahay caalamadaha lagu garto wadnaha xanuunka iyo cudurka sonkorowga.
  3. Haddii xiniyuhu ku bararsan yahay, waxaa lagaa doonaya inaad si gaarkaaga ah u baarto, marka aad isbedel dareento toos dhakhtar u aad, waxaa dhici karta iney calaamad u noqoto kansarka xiniyaha ku dhaca.

Maandeeq FM

Related Articles

Close