arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sababta Ku Kalliftay Inuu Ciddiyihiisa Jaro Kadib 66-sano uu Kobcinayay (Muuqaal)

Website-ka Gunness World Records ayaa faafiyay muuqaal laga soo duubay ninka dunida ugu ciddiyaha dheer, kaas oo uu uga hadlayo sababta ku kalliftay inuu ciddiyihiisa jaro 66-sano kadib kobcintooda.

Waxa uu go’aansaday ninka adduunka ugu ciddayaha dheer inuu ciddiyihiisa jaro, ninkan oo u dhashay dalka India ayaa lagu magacaabaa Shridhar Chillal waa 82-jir, ciddiyahan ayuu bixinayay 66-sano oo uu ilaalinayay.

Markii ugu dambeysay ee ciddiyaha Shridhar la qiyaaso dhirirkooda waxa ay gaareen 9.9 mitir. Waxa uu sheegay in ciddiyihiisu ay ka jilceen sidii hore, isla markaana uu ka cabsanayo iney ka jabaan marka uu hurdo, waxa uu xusay inuu habeenkii waqtiyo badan soo kaco si uu u ilaaliyo.

Shridhar, waxa uu ka hadlay waalidkii oo aan markii hore ku raacasaneyn fikradda ah riyadiisa inuu noqdo ninka adduunka ugu ciddayaha dheer, waxey ii sheegi jireen ayuu yiri; inaanan shaqo heli doonin. Waxa uu tilmaamay in cabsidaa waalidkii ay meesha ka baxday kadib markii uu helay shaqo sawiraa Photographer ah kadib markii uu helay xeelad u gaar ah oo uu kaamirada ku qabsado.

Shridhar sanadkii 2015 ayuu noqday ninka adduunka ugu ciddiyaha dheer, waxa uu galay Guinness World Records, hadda sababta uu ciddiyihiisa u jaray waxa uu ku tilmaamay iney jilceen isla markaana uu ka baqayo iney ka jabaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close