arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Samada Makka iyo Kacbada oo Maanta Laga Sugayo Dhacdo Astronomy ah oo Muhiim u Ah Dadka Daneeya Iney Ogaadaan Jihada Qiblada 100%

Hay’adda Astronomy-ga magaalada Jeddah ayaa ku dhawaaqday in samada Makka al Mukarrama iyo Kacbada sharafta leh ay maanta oo Axad ah laga arki doono dhacdo Astronomy ah, waana markii labaad ee sanadkan gudihiisa ay sidaan oo kale ay dhacayso.

Hay’addan ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay : “Samada Makka Al-Mukarrama Axadda 15 July, waxey isku beegmaya markii labaad sanadkan gudihiisa Kacbada Sharafta badan iyo qorraxda, waana markii ugu dambeysay ee sanadkan 2018.”, waqtiga ay sidan dhaceysaa waa 12:27 duhurnimo xilliga aadaanka salaadda duhur ee magaalada Makka.

Isku beegankii koowaad ayaa dhacay bishii May ee la soo dhaafay, xilligaas oo ay qorraxda ka dhaqaaqeysay dhul baraha iyadoo ku sii jiidday orbit-ka.

Hay’addan ayaa sheegtay in dhacdadan ay tahay waddo qadiimi ah oo lagu ogaan karo jihada Qiblada, waa waddo fudud oo aad u muhiim ah oo aan ka muhiimad yareyn app-ka mobillada Smartphone-ka ee lagu ogaado jihada Qiblada.

Cilmi-baaraha Astronomy-ga ee la yiraahdo Malham Mohammad Hindi ayaa yiri: “Dhacdadani dadka dhulka ku nool ee Qorraxda arka waxey u suuraggelineysaa iney xadeeyaan jihada Qiblada si buuxda, qofku waxa uu u jeesanayaan dhanka qorraxda waxa uu ku aadinayaan dhex bartamaha labadiisa indhood, xilligaas waxa uu u jiheysan yahay qofku Qiblada 100%.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close