WararkaWaxbarashada

Shir Lagaga Hadlayo Dhaqangelinta Manhajka Cusub ee XFS oo Ka Furmay Magaalada Baydhabo

Kulanka labaad ee kulamada sadex biloodka ah ee ay ku kulmaan wasaaradda waxbarashada federaalka iyo wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo looga hadlayo arrimaha waxbarashada ayaa maallinimadii shalay ka furmay magaalada Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan  Daahir Cusmaan oo bartiisa Twitterka soo dhigay farriin gaaban oo shirka ku aaddan ayaa tilmaamay ulajeedada kulanka loo qabtay, waxa uu yiri:” Waxaa maanta ka furay magaalada Baydhabo shir aan kaga hadleyno horumarinta waxbarashada iyo dhaqangelinta manhajka cusub ee aan dhawaan ku daahfurnay magaalada muqdisho. Shirkaan oo ay qeyb kayihiin Wasiirada maamul goboleedyada dalka, Agaasimayaasha & maamulka gobolka Banaadir.”

Si kastaba, June 11, 2018, ayaa wasaaradda waxbarashada ay soo bandhigtay manhajka cusub ee la soo daabacay, kaas oo ilaa galaaska 4aad laga soo daabacay, iyadoo la isweydiinayo sida loo dhaqangelin karto manhaj mideysan oo horey dhowr jeer oo hore loogu fashilmay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close