WararkaWaxbarashada

Guddiga Waalidiinta Iskuulka 15-May oo Ka Warbixiyay Yunufoomka Cusub.. Baaqna u Diray Maamulka Gobolka Benaadir

Guddiga waalidiinta iskuulka 15 May ayaa ka warbixiyay yunufoomka cusub ee iskuulka uu yeelanayo sanad dugsiyeedka 2018/2019.

Abuukaate Yuusuf Cusmaan Yoonis guddoomiyaha guddiga Waalidiinta Iskuulka 15 May oo la soo xiriiray Maandeeq FM ayaa  noo sheegay in waalidiintooda iyo maamulka iskuulka ay isku raaceen nooca Yunufoomka cusub ee uu kuulku yeelanayo sanad dugsiyeedka 2018/2019.

Waxa uu sheegay iney maamulku soo bandhigeen midab kaaki ah oo kafey xigeen ah oo ay adkaatay in dalka gudihiisa laga helo, laakiin markii dambey ay isku raaceen nooca yunufoomka cusub ee uu iskuulku yeelanayo.

“Labadii bilood ee uu iskuulku xirnaa waxaan isku raacnay maalmulka iskuulka in yunufoomka cusubi uu noqdo; wiilasha surwaal buluug tiq ah iyo shaati cagaar furan. Gabadhahana waa goonno buluug ah, shaati cagaar furan iyo jalbaab la midaba ah. Waxaa intaa raacsiisan (tay) la mid ah surwaalka oo wiilasha yunufoomkooda la socda”, ayuu yiri abuukaate Yuusuf Cusmaan

Waxa uu waalidiinta u soo jeediyay iney ardayda u dedejiyaan yunufoomka si aaney waxbarashada oo furmaysa  bisha August aaney uga dib dhicin.

Abuukaate Yuusuf, waxa uu hoosta ka xariiqay iney dadaal u galeen sidii ay ku heli lahaayeen goob si gaar ah Yunufomka looga tosho oo qiimo jaban si aaney ardaydu midabka ugu kala duwanaanin: “Waxaan sameynnay goob cayiman oo waalidiintu ay ubadkooda uga iibin karaan  yunufoomka si madabka ay ardaydu iskaga ekaadaan”

Maamulka gobolka Benaadir iyo kan degmada Warta-nabadda, ayuu ugu baaqay iney ka qeybqaataan yunufoomka ardayda tamarta yar ee aan iska bixin karin ay qeybtooda u tolaan, si aaney ardaydaasi waxbarashada uga dib dhicin.

Si kastaba, iskuulka 15 May oo ay maamulaan macallin Masaari ah ayaa waxa ay ardaydu ku dhigtaan si bilaasha ah oo lacag la’aan ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close