TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Bloomberg: Jeff Bezos oo Noqday Shakhsiga Ugu Taajirsan Taariikhda Casriga ah

Tilmaamaha Bloomberg Index ayaa shaaciyay in Jeff Bezos aasaasaha shirkadda Amazon uu sameeyay record cusub uuna noqday ninkii ugu taajirsanaa taariikhdan casirga ah, qofka ugu dunida ugu taajirsan oo kaliya aanuu ahayn, kadib markii hantidiisu ay gaartay 151 billion oo dollar.

Bezos waxa uu xaqiijiyay guushan, horumarka uu ka sameeyay Amazon darteed, iyo faa’iidooyinka tirada badan ee uu ka helay Prime Day. Waxaa kale oo uu ku caan yahay maalgeshigiisa tirada badan ee uu ku leeyahay shirkado aan la soo koobi karin, waxa uu leeyahay saamiga ugu badan ee Wargeysa Washington Post, sidaas oo kale waxa uu leeyahay sanduuq maalgashi oo loo yaqaanno Bezos Expeditions, sidaas oo kale waxa uu saami ku leeyahay shirkado aan la soo koobi karin oo ay ka mid yihiin Google iyo Twitter.

Waxaa xusid mudan, in ku dhawaad 1800 shaqaale ah oo ka tirsan Amazon Spain iyo kuwo kale oo ka tirsan Amazon Jarmalka ay shaqo joojin sameeyeen iyagoo  ka cabanaya goobta shaqada oo hooseysa doonayana in mushaarka loo kordhiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close