WararkaWaxbarashada

Lacagtan Ayey Ajaanitbu Ku Bixiyeen Gudaha Ruushka Intii uu Socday Koobka Adduunka

Bankiga Sberbank ee xukuumadda Ruushka ayaa daaha ka rogay in kharashaadka ay ku bixiyeen gudaha ajaanibka soo booqday Ruushka inta uu socday koobka Adduunka 2018 ay gaareen 5.1 bilyan oo dolar.

Bankiga ayaa warbixin uu soo saaray Talaadadii ku caddeeyay: “Lacagaha ay ajanabigu ku bixiyeen qeybta Yurub ee Russia ay gaartay labo laab marka loo barbardhigo, dadkii soo booqday Russia koobka Qaaradaha ee sanadkii 2017.”

Lacagtan ayaa waxaa ka mid ah lacago kaararka lacagta lagala baxo iyo kuwo si kaash ah ay dadku u kharash gareeyeen, iyadoo halka ugu badan ee ay dadku lacagaha ku bixiyeen ay ahayd hottelada, maqaayadaha iyo qalabka sports-ka.

Taageerayaasha Mareykanka ka yimid ayaa ugu kharash badnaa oo waxey gudaha Ruushka ku kharash greeyeen 90-milyan oo dolar, waxaa ku soo xigay dadka Shiinaha ka yimid oo gudaha Ruushka ku bixiyay 65.5 milyan oo dollar.

Dalka Ruushka ayaa martigeliyay koobka Adduunka nuskhaddiisa 21aad inta u dhaxeysay 14 Jun -15 July, iyadoo koobka uu ku guuleystay xulka Fransiiska oo 4:2 kaga adkaaday xulka Croatia.

Maandeeq FM

Related Articles

Close