WararkaWaxbarashada

Puntland: Natiijada Imtixaanka “F4” oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa si rasmi ah u shaacineysa natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.

War lagu soo daabacay bagga Facebook ee rasmiga ah ee Wasaaraddu ay leedahay ayaa lagu sheegay in markii saacado badan oo shirar ah loo fadhiyey la isku raacay in maanta oo Arbaco ah in si rasmi ah loo faafiyo natiijada imtixaanka dugsiga sare ee dowlad goboleedka Puntland.

Wasaaraddu waxey tiri:”Dhammaan maamulayaasha, Macalimiinta sharafta leh iyo ardayda, waalidka iyo bulshawaynta soomaaliyeed ee ku nool deegaaanda Puntland, waxaan la socodsiinaynaa in Malinta barito(maanta) in la shaacinayo Natiijadii imtixaanka Dugsiyada sare ee Puntland ee Sanad Dugsiyeed 2017- 2018.”

Si kastaba, imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa la galay 12 May, 2018 iyadoo ay u fariisteen ardayda gaareysa 15-kun oo iskugu jirta dugsi dhexe iyo sare, waxaa lagu galay 100 xarumood oo ku kala yaalla daafaha kala duwan ee Puntland.

Maandeeq FM

Related Articles

Close