WararkaWaxbarashada

Somali Ren oo Maanta Daahfurtay Barnaaji Ay Ardayda Soomaaliyeed Ku Helayaan Internet Ka Madax Banaan Kan Ganacsiga

Kulan lagu daahfurayay barnaamijka internetka caalamiga ah ee “Somali Ren” oo ay ku midaysan yihiin qaar ka mid Jaamacadaha dalka ayaa maanta si rasmi ah looga daahfuray magaalada Muqdisho.

Kulankan daahfurka ayaa waxaa ka soo qeybgalay  wasiirka boostada iyo isgaarsiinta,  wasiirka  waxbarashada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socotay jaamcadaha dalka qaarkood.

Dr. Dalmar oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka  Somali Ren ayaa Ururka Somali Ren waxa uu yahay:

“Waa shabakadda isku xirka Cilmi-baarista Soomaaliyeed oo loo soo gaabiyo Somali Ren, muddo 11-sano ah ayey jirtaa, jaamcado badan oo gobollada kala duwan ee Soomaaliya ayaa xubin ka ah, waxay iska kaashadaan horumarinta tayada aqoonta, is-dhaafsiga xogaha, macallimiinta iyo manaahijtaba,runtii aad iyo aadbayna u guuleysatay.”

Dr. Waxa uu noo sheegay  in mashruuc cusub oo internet caalami ah loogu xirayo jaamacadaha Soomaaliyeed ay daahfureen:

“Nasiib wanaag maanta waxaan halkan ku daahfurnay, barnaamijka ah ku xirka jaamacadaha Soomaaliyeed khadka internet-ka ee caalamiga ah, si ardaydeennu uga faa’ideysato oo ay u hesho khad toos ah oo iyaga kaligood ay leeyihiin, isla markaana loosoo mariyo xogaha aqoonta ama online reassures waxa la yiraahdo, iyagoo waddanka xitaa macalliim ka maqan ay duruus bixin karaan. ”

Waxa uu hoosta ka xariiqay in wejiga koowaad ee mashruuca jaamacado kooban lagu bilaabay:

“Wejiga koowaad waxaa laga howlgelin doonaa magaalada Muqdisho oo ay ka faa’idaysan doonaan jaamacadaha Benaadir, Simad, Muqdisho,  City University iyo jaamacadda Ummadda, kadib waxa uu u wareegi doonaan gobollada kala duwan ee Waddanka iyadoo markaa jaamacadaha oo dhan ay isku xirmi doonaan oo ay kala faa’iidaysan doonaan.”

Waxa uu tilmaamay in hadda khadkaa internet-ka la howlgeliyay oo uu hawada ku jiro, si rasmi ahna ay hadda jaamcaduhu uga faa’ideysanayaan:

“Waa la hirgeliyay Jaamacadaha oo dhan wuu ku jiraa maanta waxa uu ahaa daahfurkiisii. Bishaan wuxuu ku jiray tijaabo, wixii maanta ka dambeeya dhammaan jaamacadahaasi waxey ahaystaan khadkaa oo aan marey khadka private ka ah, waa khad u gaar ah Somali Ren oo ku xirmaaya badda, ka bacdina ku xirmaaya jaamacadaha gobolka bariga iyo bartamaha Afrika oo aan xubin ka nahay, kadibna adduunyada oo dhan ku xirmaaya.”

Dr. Dalmar waxa uu sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah maadama jaamacadaha dalka qaarkood ay isticmaalayaan khad ka madax banana khadka internet-ka ganacsiga:

“Waa markii ugu horreysay taariikhda oo jaamcaduhu ay helayaan internet u gaar ah oo ka duwan kan gacansiga gaarka loo leeyahay.”

Dhanka kale, Dr. Shariif  Cusmaan oo ka socday Jaamacadda Muqdisho ayaa noo sheegay in faa’iidada ugu weyn ee mashruucani uu yahay dhiirigelinta cilmi-baarista iyo cilmi-wadaagga:

“Faa’iidada ugu weyn waa in marka hore la dhiirigeliyo cilmi-baarista, tan labaad cilmi-baaristaas in la kaydiyo oo loo helo data base lagu kaydiyo, tan saddexaadna waxey tahay in cilmi-wadaag la helo oo cilmi-baaristii ay jaamacaduhu wadaagaan. Cilmi-baarista Soomaaliya oo kaliya laga sameeyo maahee cilmi-baarista adduunka oo dhan laga sameeyo ayaa loo baahan yahay in la wadaago. Program -kani waxa uu suurtaggalinayaa jaamacadaha Soomaalida marka koowaad iney cilmi-wadaag sameeyaan, tan labaadna cilmi-baarisyada laga sameeyo caalamka in la wadaago.”

Wasiirka  boostada iyo  isgaarsiinta Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa dhankiisa  tilmaamay  in mashruucani yahay mid dhamaan bulshada Soomaaliyeed  u horseedaya  horuma isla markaana ay ka faa’iidayn  doonaan jaamacadaha  dalka.

Si kastaba, Ururka Somali Ren (Somali Research & Education Network) ayaa la asaasay sanadkii  2009  waxaa ku midoobay jaamacado badan uu ku yaalla gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close